Cole Palmer ayaa uga mahadceliyey tababaraha Chelsea Enzo Maresca inuu ka dhigay xiddig saameyn badan ku leh garoonka ka dib isbeddel farsamo oo uu sameeyay.
Palmer ayaa dhaliyey 24 gool, wuxuuna caawiyey 13 gool, xilli ciyaareedkii hore asagoo ka hoos ciyaaraya tababare Mauricio Pochettino, ka hor inta uusan Maresca xilka la wareegin xagaagan.
Palmer ayaa durba lix gool iyo shan caawin sameeyey siddeed kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkan, oo ay ku jiraan afar gool uu qaybtii hore ee ciyaarta ka dhaliyey Brighton iyo seddex caawin uu sameeyey kulankii Wolves.
Ciyaaryahankii hore ee Manchester City ayaa sheegay in go’aanka Maresca uu ku beddelay booskiisa una u wareejiyey khadka dhexe uu muhiim u ahaa bilowga wanaagsan ee xiddiga.
Wuxuu u sheegay The Telegraph: “Ciyaarista khadka dhexe waxay ii siisay fursad iga caawisay inaan muuqdo. Waxaan ku raaxaystaa inaan ka qaybqaato dhismaha weerarka iyo inaan sameeyo baasas muhiim ah iyo sidoo kale inaan dhaliyo goolal badan. ”
“Waxay ku habboon tahay qaab ciyaarkeyga, waxaanan u maleynayaa inaan halkaa ka sii fiicnaan karo.”
Palmer wuxuu ka daawan doonaa garoonka banaankiisa kulanka Chelsea ee Panathinaikos maalinta Khamiista, maadaama laga reebay liiska ciyaartoyda tartanka Conference League si loo nasiyo.