Inter ayaa isha ku heysa kooxda ay xifaaltamaan ee Juventus xilli ay qorsheynayaan inay heshiis macquul ah la gaaraan xiddiga garabka uga ciyaara Federico Chiesa.
26 jirka reer Talyaani ayaa galay sanadkii ugu dambeeyay qandaraaskiisa Bianconeri, mana uusan aqbalin inuu saxiixo heshiis cusub, iyadoo la isku khilaafay mushaarka iyo mudada heshiiska.
Chiesa ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu ka tagayo Juventus xagaagan, iyadoo kooxo kala duwan sida Roma, Chelsea iyo Tottenham ay dhamaantood diiwaan galiyeen xiisaha heshiiska.
Kooxda ayaa go’aansatey in ay 26 jirkaan ka saarto kooxdeeda kulama isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Inter ay si dhow isha ugu hayso xaalada Chiesa ee Juventus maadaama ay qorsheynayaan inay si xor ah ula wareegaan xiddiga garabka ka ciyaara xagaaga soo aadan.
Hadda, ma jiraan wax dalabyo ah oo loogu talagalay 26 jirka.