Cristiano Ronaldo ayaa lagu doodi karaa inuu yahay gooldhaliyaha ugu sareeya taariikhda kubada cagta, waxaana hubaal ah inuu indhaha ku hayo inuu dhaliyo 1000 gool xirfadiisa ciyaareed.
CR7 waxa uu dhaliyay 895 gool oo xirfadiisa ciyaareed ah iyada oo 765 ka mid ahi ay yihiin heer naadi iyo 130ka kale oo ah heer caalami.
Ronaldo wuxuu weli u muuqdaa inuu dhowr sano kale uu sii ciyaari karo.
Qandaraaska uu hadda Ronaldo kula jiro Al-Nassr waxa uu soconaya ilaa xagaaga 2025, inkasta oo la sheegay in laga wada hadlay heshiis kordhinta.
Portuguese-ka ayaa noqon doona 40 jir marka uu heshiiskiisa haatan dhacayo, laakiin uma eka in uu haysto wax qorshe ah oo uu wali kabihiisa ku siibayo.
Xitaa waxaa la soo jeediyay in Ronaldo uu doonayo inuu sii ciyaarayo ilaa uu si xirfad leh ula ciyaaro wiilkiisa, kaasoo hadda 14 jir ah.
In kasta uu Ronaldo aanu ku qaadan waqti fiican Euro 2024, haddana waxa uu wali ku awood badan yahay horyaalka Sucuudiga.
Dhammaan tartamada oo dhan, waxa uu u dhaliyay 50 gool Al-Nassr xilli ciyaareedkii hore taas oo ahayd ololihiisii ugu wacnaa tan iyo 2015-16 markaas oo uu u ciyaarayay Real Madrid.
Heerka tartanka uu kaga hortagayo Sacuudi Carabiya sinaba ma ahan midka ugu tartanka badan, laakiin taasi ma ahan inay ka joojiso rikoorkiisa gooldhalinta.
Cristiano waxa uu u muuqdaa in uu ku jiro hadaf ah in uu dhaliyo 1000 gool ka hor inta aanu ka fariisan ciyaaraha.
Ronaldo ayaa dhaliyay 895 gool xirfadiisa ilaa maanta, taasoo la micno ah inuu u baahan yahay inuu dhaliyo 105 gool oo dheeri ah si uu u gaaro 1000-ka gool ee taariikhiga ah.
Mid ka mid ah qodobbada ugu waaweyn ee go’aamin doona haddii Ronaldo uu dhalin karo 1000 gool ayaa ah inuu dhaawac la’aan ahaan karo iyo in kale sanadaha soo socda.
Ronaldo wuxuu leeyahay rikoor aad u wanaagsan marka ay timaado dhaawacyada, laakiin gabowga ayaa laga yaaba inuu celiyo.
Haddii Ronaldo uu ciyaaro celcelis ahaan 45 kulan xilli ciyaareedkii seddexda sano ee soo socota, waxay ku qaadan doontaa in ka badan laba xilli si uu u gaaro 1000 gool.