Ciyaar yaab leh ayaa soo martay taariikhda Everton markii Daniel Amokachi uu go’aan geesinimo leh qaatay intii lagu jiray semi-finalkii FA Cup ee 1995 oo ay la ciyaarayeen Tottenham. Everton ayaa ku hogaamineysay ciyaarta 2-1 iyadoo keliya 19 daqiiqo ay ka harsan tahay ciyaarta. Weeraryahanka Paul Rideout ayaa dhaawacmay, markaas ayuu Amokachi isagu si iskiis ah isu bedelay isagoo aan u sheegin tababare Joe Royle.
Amokachi oo ah weeraryahan reer Nigeria ah, wuxuu ku jiray xilli-ciyaareed aan fiicnayn tan iyo markii uu ka yimid Club Brugge. Laakiin markaan, wuxuu arkay fursad uu isku muujiyo, wuxuuna si geesinimo leh ugu sheegay caawiye Willie Donachie in tababaraha u baahan yahay inuu galo ciyaarta. Inkastoo Rideout isku dayay inuu sii ciyaaro, Amokachi ayaa si ka faa’iideysi ah u bedeshay. Joe Royle ayaa ka carooday markii hore, balse waa uu u daayay in xiddiga ciyaarta sii wato.
Markii uu garoonka galay, Amokachi wuxuu sameeyay wax aan la illoobi karin.Amokachi labo gool ayuu si degdeg ku dhaliyay, taasoo ka dhigtay in Everton 4-1 guul taariikhi ah ku gaarto, waxayna u gudbeen finalka FA Cup.
Taageerayaasha ayaa si aan horey loo arag u dabaaldegay, Amokachi-na wuxuu noqday halyeeyga kooxda. Go’aankiisii halista lahaa wuu shaqeeyay, waxaana loogu sacbiyay inuu yahay ninkii guusha u horseeday kooxda. Tababaraha, halkii uu ka xanaaqi lahaa, wuxuu Amokachi ku tilmaamay “bedelkii ugu fiicnaa abid taariikhda kooxda iyo intii aan tababaraha noqday”
Amokachi wuxuu dib uga sheekeeyay sheekadan isagoo yiri, “Haddii aanan dhalin laheyn goolasha, ciyaartan waxay ahaan lahayd tii iigu dambeysay ee Everton.” Geesinimadiisii iyo go’aankiisii adkaa wuxuu ka dhigay mid taariikhda ku sii jira. Joe Royle wuxuu ugu dambeyn qirtay in go’aankan uu ahaa mid cajiib ah.
Markii finalka la gaaray, Everton oo ka hortimid Manchester United, waxaa loo arkayay kuwo laga filayo inay guuldarraysanayaan. Laakiin Paul Rideout, oo ahaa ninkii Amokachi bedelay semi-finalka, ayaa hadana ka caawiyay Amokachi inuu dhaliyo goolka keliya ee ciyaarta, iyadoo Everton ku guuleysatay FA Cup-kii shanaad. Amokachi wuxuu ahaa xuddunta dabaaldegyada, waxaana xasuustiisa weligeed ku sii noolaan doontaa taageerayaasha Everton.