Cristiano Ronaldo ayaa si caro leh u weeraray wariye uu ku eedeeyay xushmad la’aan, isagoo sidoo kale sheegay in warbaahintu ay faafinayso aragti xun oo ku aaddan xulka Portugal.
Xulka Portugal, oo horey ugu guuleystay Euro 2016, ayaa wajahaya in ay ka haraan UEFA Nations League, kaddib markii ay guul-darro lama filaan ah 1-0 kala kulmeen Denmark lugtii hore ee wareega siddeed dhammaadka.
Weeraryahanka Manchester United, Rasmus Hojlund, ayaa dhaliyay goolka guusha ee Denmark xilli dambe, taasoo dhirbaaxo ku noqotay xulka Selecao. Ronaldo, oo aad uga carooday guul-darradaas, ayaa si adag u weeraray warbaahinta, isagoo sheegay in xulka qaranka la dul saaray cadaadis iyo niyad jab badan.
Intii uu la hadlayay wariyeyaasha, xiddiga 40-jirka ah ayaa yiri: “Waxaan aaminsanahay in xulku si wanaagsan u ciyaaray, marka laga reebo hal ama labo kulan, taasoo qeyb ka ah kubadda cagta. Anigu waxaan qabaa in xulku ku sugnaa heer aad u wanaagsan. Hal shay ayaa jirta: adigu waxaad leedahay aragtidaada, aniguna waxaan leeyahay teyda.”
Wuxuu sii raaciyay: “Dalka Portugal wuxuu leeyahay jiilal kala duwan—jiil dahabi ah, jiil qalin ah, jiil naxaas ah, waxaad ugu yeeri kartaa magac kasta oo aad rabto. Laakiin jiilasha ugu fiican waa kuwa guulaha gaaraya.”
Xiddiga Al-Nassr ayaa markaas weerar afka ah ku qaaday wariye uu ku eedeeyay inuu xushmad la’aan muujiyay: “Guulaystayaashu waa kuwa awood u yeesha inay isku keenaan kooxda, dagaal iyo juhdi muujiya kadibna guuleysta. Waxaan dareemayaa in xulka qaranka uu la kulmayo aragti xun oo aan sax ahayn. Waxaan daawaday shirarkii jaraa’id ee maalmihii la soo dhaafay, ma jecleysan. Ma jecleysan.”
Ronaldo ayaa si gaar ah u dhaliilay qaabka uu wariyuhu su’aalaha u waydiiyay, isagoo yiri: “Xitaa qaar ka mid ah su’aalaha aad i weydiineysaan, waxaan u arkaa xushmad darro. Marka qof su’aal i weydiiyo, waxaan siiyaa jawaab ku habboon, laakiin ha i weydiin su’aal adigoo fiirinaya kombiyuutarka! Waa inaad iga fiirisaa indhaha marka aad ila hadleyso.Sidaas waan iri, waana sii wadayaa inaan iraahdo. Waxaan hubaa inaan garoonka Alvalade kaga bixi doono anigoo madaxayga kor u haya, waxaana rabaa in asxaabteyda iyo dhammaan dadka reer Portugal ay sidaas oo kale uga baxaan, natiijadu ha noqoto mid wanaagsan ama mid xun.”