Markii ugu horeysay muddo sanado ah, City ayaa ciyaareysa kulanka Manchester derby iyada oo ku dhex jirta jahwareer xitaa ka badan kan heysta Man United.
City ayaa si xun u jabtay, hal guul kaliya ayaa loo diiwaan galiyay 10-kii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan ah.
Guuldaradii Arbacadii ka soo gaartay Juventus Champions League waxay ahayd tii toddobaad ee City soo gaarta 10kii ciyaar ee lasoo dhaafay.
Burbur la yaab leh ayaa soo gaaray kooxdii ku guuleysatay lix ka mid ah toddobadii horyaal ee ugu dambeeyay Premier League, waliba afar isku xigta qaaday.
United ayaa qudheeda ku jirta qaab ciyaareed aad u liita, iyagoo badiyay kaliya seddex ka mid ah lixdii kulan ee Amorim hogaamiyay tan iyo markii uu bedelay Erik ten Hag oo la ceyriyay.
Amorim ayaa horeba hal dharbaaxo xanuun badan u gaystay Guardiola xili ciyaareedkaan markii kooxdiisii Sporting ay 4-1 ku xasuuqday City kulan ka tirsanaa Champions Leaque-ga oo ka dhacay Lisbon bishii November 5teedii.
Guuldaradaas ciqaabta ah ayaa timid maalmo ka hor inta uusan Amorim si rasmi ah u qabanin shaqada Old Trafford, Guardiola ayaana jeclaan lahaa inuu kaga aarguto Etihad Stadium usbuucan.
Haddii koox uu dhaawac soo gaaray waa City, haddii shaqsi kalsoonidii ka luntay waa Guardiola, kulanka Derby ee habeen dambe ayaa Pep ku riday hurdo la”aan iyo fikir badan.
Laakiin Amorim si kaduwan Guardiola waa iska dhoola cadeynayaa inkastoo laftiisa uusan dhib u yareyn, haddana farqiga u dhaxeeya labada tababare waa kaaf iyo kala dheeri.
Wareysi lala yeeshay Guardiola ayaa sheegay in xaaladiisa maskaxeed ay tahay mid aad u liidata, hurdadiisuna ay xun tahay, isla markaana uusan cunto badan cunin maadaama dheefshiidkiisa uu soo gaaray burburkii City ku dhacay.
Guardiola, oo dhawaan saxiixay qandaraas cusub oo laba sano ah, ayaa ku adkeystay inuu rajeynayo isbedel badan oo ku dhaca Man City oo xaalad xun kujirta waqtigaan.