Arsenal ayaa isku dayi doonta iney sii wadato qaab ciyaareedka wanaagsan ee Horyaalka Premier League iyada oo galabnimada maanta ay ku qaabili doontoo garoonkeeda Emirates Stadium kooxda aan qaab ciyaareedka wanaagsan ku jirin ee Southampton oo guul la’aan ah 6-dii kulan ee ugu horeeyay horyaalka Premier League.
Kooxda Mikel Arteta ayaa si wacan ula tacaashay maqnaanshaha Kabtankooda saameynta ku leh ee Martin Odegaard todobaadyadii lasoo dhaafay iyaga oo sii watay rikoodhka guuldaro la’aanta ee Horyaalka, iyaga oo todabaadkii hore guul 4-2 ah ka gaadhay kooxda Leicester City, kadib intii aanay guul weyn kaga gaadhin tartanka Champions League hogaamiyeyaasha horyaalka Faransiiska Paris Saint Germain kadib goolal ka kala yimid Kai Havertz iyo Bukayo Saka.
Dhanka kale tababaraha kooxda Southampton ayaa cadaadis weyn ku saaranyahay shaqada tababarenimo ee kooxdaas isaga oo aan wax guul ah weli gaadhin 6 kulan ee ugu horeysay horyaalka Ingiriiska.
Dhaawacyada iyo ganaaxyada labada koox
Arsenal: Odegaard, Zinchenko, Tomiyasu iyo Tierney ayaa gebi ahaanba dhaawac ku seegaya kulankan, Ben White iyo Jurien Timber ayaa iyagu tijaabo xili dambe ah mari doona.
Southampton: Bazunu, Sulemana, Smallbone ayaa dhaawacyo ku seegi doona kulankan, halka Jack Stephens uu ku seegi doono ganaax.
Shaxaha macquulka ah ee kulanka
Arsenal: Raya, Timber, Saliba, Gabriel, Calafiori, Partey, Rice, Saka, Havertz, Martinelli, Trossard.
Southampton: Ramsdale, Sugawara, Harwood-Bellis, Bednarek, Walker-Peters, Downes, Ugochukwu, Dibling, Fernandes, Lallana, Stewart.