Xiddigii hore ee Liverpool, Danny Murphy ayaa shaaca ka qaaday weeraryahanka Manchester United, Marcus Rashford inuu yahay dhibka ugu weyn xilli ciyaareedkan kooxda Red Devils.
Rashford ayaa ku jira xilli ciyaareedkiisii tobnaad ee Man United, isaga oo qaab ciyaareedkiisa hoos u dhac weyn uu ku yimid.
Waxa uu boos ka waayay xulka England ee gaaray finalka Euro 2024 ee ka dhacay dalka Jarmalka, taasoo kuu muujineysa heerka hoos u dhaciisa.
Xilli ciyaareedkii ugu fiicnaa ee Rashford kooxda Man Utd wuxuu ahaa 2022-2023 markaas oo uu u dhaliyay 30 gool tartamada oo dhan, laakiin wixii intaas ka dambeeyay ma uusan helin bandhig fiican.
Murphy ayaa aaminsan in dhibaatada ugu weyn ee Rashford ay tahay ‘fahamkiisa oo liita, isaga oo intaa ku daray in weeraryahanku uu naftiisa ku mashquulin sidii uu isbedel ku sameyn lahaa.
“Waa inuu wax badan isku dayo,” Murphy ayaa u sheegay talkSPORT.
Waxaan u maleynayaa inaan horay u aragnay sida ugu fiican ee Marcus Rashford, laakiin wuxuu awood u leeyahay inuu mar kale heerkaas gaaro.
“Haddii uu helo koox ka fiican mida uu hadda joogo wuxuu gaari karaa guulo badan “ ayuu yiri halyeyga Liverpool.
“Waxa uu leeyahay astaamo cajiib ah, laakiin dhibaatadiisa ugu weyn waa aragtidiisa oo liidata, isagu wuxuu eegayaa hoos marka uu kubadda heysto, taasna ma aha waxa looga baahan yahay ciyaartooyda heerka caalami “Murphy ayaa yir.