Ruben Amorim ayaa lagu soo waramayaa inuu u dooran doono Marcus Rashford lambarka sagaalaad ee kooxdiisa si uu ugu guuleysto nidaamka cusub ee Manchester United.
Rashford ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jiray xilli ciyaareedkii ugu horeeyay ee Erik ten Hag isaga oo dhaliyay 30 gool tartamada oo dhan, laakiin wuu dhibtoonayay wixii intaas ka dambeeyay isaga oo dhaliyay 12 gool 61 kulan oo uu saftay.
Waxaa jiray shaki ku saabsan sida 27-sano jirkaa uu ugu habboonaan karo nidaamka cusub ee Amorim ee 3-4-3, iyadoo dadka qaar ay xitaa ay soo jeediyeen in loo isticmaali karo garbaha weerarka.
Hadda sida la shaaciyay Alejandro Garnacho iyo Mason Mount ayay ubadan tahay inuu weeraka kala shaqeyn doono Rashford oo loo adeegsan doono lambar 9ka tooska ah.
Shabakada Givemesport ayaa sheegtay in tababaraha reer Portugal uu Rashford ka dooran doono Rasmus Hojlund iyo Joshua Zirkzee oo ah No.9 ee hadda heysato Man Utd.
Rashford ayaa ka ciyaaray doorkaas bilowga xirfadiisa ciyaareed, waxayna u muuqataa in Amorim uu markale kusoo celin doono doorkiisa ugu fiican.
Rashford inuu weeraka ka ciyaaro ayaa war xun u ah Zirkzee kaas oo kulankiisii ugu horeeyay gool ka dhaliyay Fulham, laakiin wixii intaas ka dambeeyay ku dhibtoonayay kooxda Man Utd.