Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay heshiis isku badalasho ciyaartooy ah ku hesho Victor Osimhen, iyada oo doonaysa in ay saxiixaan ku garaacdo kooxaha Chelsea iyo Galatasaray.
Victor Osimhen ayaa si lama filaan ah amaah kaga dhaqaaqay kooxda Napoli ee Serie A ka ciyaarta bilowgii xili ciyaareedkaan.
Osimhen, oo 26 jir ah, ayaa la filayaa inuu kaga tago Napoli heshiis joogto ah marka ay dhamaato maahda uu ku joogo Galatasaray bisha June, Man Utd ayaana u muuqata musharaxiin dhab u doonaya weeraryahanka.
TBR Football ayaa warisay in Man Utd ay u soo bandhigi karto Alejandro Garnacho iyo Rasmus Hojlund kooxda Napoli si ah kaga helaan Osimhen xagaagan.
Napoli ayaa doonaysay inay la soo wareegto Garnacho si ay ugu buuxiso booska Khvicha Kvaratskhelia bishii Janaayo, waxaana laga yaabaa inay fursad u hesho saxiixiisa suuqa xagaagan.
Osimhen wuxuu muddo dheer radaarka ugu jiray Manchester United, inkastoo dagaal ay kala kulmayaan kooxaha Chelsea iyo Arsenal.