Olympique de Marseille ayaa soo bandhigtay xiisaha xad dhaafka ah ee ay ku doonayso in kula soo wareegto xiddiga Paul Pogba, kaasoo qarka u saaran inuu dhameystiro heshiiska uu ugu biirayo suuqa January.
Xiddigaan oo la kulmay ganaax afar sano ah, waxaa laga dhigay kaliya dhigay 18 bilood kadib markii uu racfaan ka qaatay maxkamadda xalinta qilaafaadka ciyaaraha ee CAS.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Faransiiska wuxuu awoodi doonaa inuu dib ugu soo laabto garoomada March 2025, markaas oo uu 32 jir noqon doono.
Kooxda Marseille, ayaa soo dhaweyn weyn u diyaarisay Pogba oo uu kaga horeeyo halkas Adrien Rabiot oo ay isku dalka yihiin, kana soo wada ciyaareen Juventus.
Ma qarin rabitaankiisa ku aaddan inuu jeclaan lahaa in Pogba ay kawada ciyaaraan Stade Vélodrome, isagoo arinkaan ka hadlaya wuxuu yiri” Waxay ahaan laheyd wax cajiib ah inaan Pogba halkaan kula ciyaaro markale.
Dhiniciisa, Pogba meesha kama saarin inuu ku biirayo Marseille oo uu ku tilmaamay mid soo jiidatay isaga.
Xiisaha labada dhinac ayaa dhaliyay warar xan ah oo sheegaya in Marseille ay waqti hore ku dhawaaqi doonto hesiiska Paul Pogba.