Kooxda Al-Nassr ayaa lagu soo waramayaa inay ogolaatay heshiis ay kula soo saxiixaneyso weeraryahanka Bayer Leverkusen Victor Boniface kaasoo ay kula soo wareegayaan lacag ka badan 60 milyan oo euro.
24-sano jirkaan ayaa lala xiriirinayay dhowr kooxood oo waaweyn sanadkii lasoo dhaafay, sida Arsenal, Chelsea iyo Manchester United, laakiin Al-Nassr ayaa haatan heshiis buuxa ka gaartay saxiixiisa, sida uu sheegay Florian Plettenberg.
Weriyaha Sky Germany ayaa haatan leh “Victor Boniface wuu ku biiri doonaa kooxda sacuudiga ee Al-Nassr oo heshiis qaali ah la meel dhigtay.
Wadarta heshiiska ay la gashay Bayer Leverkusen ayaa lagu sheegay €60m. Heshiis afka ah ayaa sidookale la gaaray, iyadoo €15m mushaar ah lasiin doono xili ciyaareeedkii.
24 sano jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa mar hore ku baasay tijaabada caafimaadka Al-Nassr. Warka dhameystirka heshiiskaan ayaa la filaa in goordhaw lagu dhawaaqo.