Reece James oo diirada saaraya inuu dib u soo nooleeyo xirfadiisa kubada cagta oo ay saameeyeen dhaawacyo isdaba joog ah, waxaa laga yaabaa inuu ka tago Chelsea.
daafaca midig ee Chelsea ayaa ka fikiraya isbedel muuqda inuu sameeyo kadib markii ay ku dhiiro galiyeen dhaqaatiirtiisa inuu helo cimilo diiran si uu kaga fogaado dhaawacyada isdaba jooga ah.
Xaaladaan waxay albaabada u fureysaa FC Barcelona oo la rumeysan yahay inay baadi goob ugu jiraan saxiixiisa.
Qandaraaska uu ku joogo Stamford Bridge wuxuu dhacayaa 2028, laakiin James wuxuu rabaa inuu tijaabiyo talada dhaqaatiirtiisa oo ah inuu isbedelo sameeyo si dhaawacyada isdaba jooga ah meesha looga saaro.
Da’yarka heerka caalami ee dalka Ingiriiska ayaan ciyaarin tan iyo bishii May, sababo la xiriira dhaawac muruqa ah oo uu garoomada kaga maqnaa muddo 86 maalmood ah.
Majalada Metro ayaa ku warameysa in James uu si dhab ah u tixgelin doono talada caafimaad ee loogu sheegay inuu ka guuro jawiga haatan uu kujiro, si isbedel dhanka cimilada ah uu u helo.
Barcelona ayaa furan inay u dhaqaaqdo James suuqa January, laakiin sidoo kale waxay marka hore qiimeyn doonaan caafimaadkiisa mustaqbalka fog.