Difaaca Manhester United ee Harry Maguire ayaa magacaabay laba halyey oo reer England ah oo uu naftiisa barbar-dhigay xilli uu ka hadlayay xaaladda adag ee uu kaga jiro kooxdiisa Manchester United ee ciyaar la’aanta ah.
Harry Maguire ayaa saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey ay u ahaayeen kuwo adag, inkasta oo bilihii ugu dambeeyey ay ciyaartiisu horumar samaysayna waxa uu haddana awoodi la’yahay inuu helo boos joogto ah.
Inkasta oo uu ku dhibaatoonayo kooxdiisa, haddana Harry Maguire ayaa waxa uu xubin aasaasi ah ka yahay xulka qaranka England oo uu ka haysto boos joogto ah, waxaana uu hadda isku diyaarinayaa ciyaarta Brazil ee Sabtida iyo sidoo kale Salaasada oo ay la ciyaari doonaan Belgium.
31 jirkan oo wax laga weydiiyey xaaladdiisa England iyo kooxdiisa Manchester United ayaa waxa uu isbarbar-dhigay labadii halyey ee Wayne Rooney iyo David Beckham, waxaanu yidhi: “Waxay ila tahay inaad wax badan aragteen waayahay xulka England, waxa aad samaysaa diyaar-garow, kaddibna waxa aad gaadhaa herka ugu sarreeya si aad uga sii mid ahaato, haddii kale si degdeg ah ayuu albaabku kaaga xidhmayaa.
“Waxay ila tahay in ciyaartoy kasta oo usoo dheelay Man United la siiyey waqti marka ay u ciyaarayeen xulka qaranka iyadoo aanay dadku ku faraxsanayn.
“David Beckham ayaa wax badan laga sheegay, xataa Wayne Rooney ayaa in badan la canaantay isaga oo waliba ka mid ahaa ciyaartoydii ugu wanaagsanaa ee usoo ciyaaray dalkiisa.
“Laakiin Gareth waxa uu aniga ii muujiyey niyad-samaan, waa uu i aaminsanaa waqtigiisa oo dhan waxaanu i siiyey kalsooni si aan u xaqiijiyo in aan diyaar ahay oo aan sida ugu sarraysa u dheeli karayo. Run ahaantii waan aaminsahay awooddayda iyo waxa aan u qaban karayo kooxda.”