Harry Kane ayaa iska fogeeyay wararka la isla dhexmarayo suuqa ee sheegaya inuu xagaaga dib ugu laaban karo Premier League, isagoo caddeeyay inuu aad ugu faraxsan yahay Bayern Munich.
Inkasta oo Bayern ay ku guuldarreysatay hanashada koobab xilli-ciyaareedkii ugu horreeyay ee Kane, haddana 31-jirkan ayaa si weyn u iftiimay dedaalka kooxda, isagoo dhaliyay 77 gool 83 kulan oo uu saftay tan iyo markii uu yimid Bundesliga.
Bandhigga gooldhalintiisa layaabka leh ayaa Bayern ka caawiyay inay hogaanka Bundesliga ku hayso lix dhibcood oo nadiif ah, taasoo ka dhigan in sugitaanka muddada dheer ee Kane ee hanashada koob uu dhowaan dhammaan karo.
Kooxda uu hoggaamiyo Vincent Kompany ayaa sidoo kale kamid ah kuwa loo saadaalinayo inay ku guuleystaan Champions League xilli-ciyaareedkan, waxayna wajihi doonaan Inter Milan wareega siddeed dhammaadka kadib markii ay ka adkaadeen Bayer Leverkusen.
Si kastaba ha ahaatee, warbixinno soo baxay toddobaadkan ayaa soo jeediyay in Kane uu si dhab ah uga fiirsanayo inuu dib ugu laabto kubadda cagta Ingiriiska dhamaadka xilli-ciyaareedka, iyadoo Liverpool lala xiriirinayo inay u dhaqaaqdo weeraryahankii hore ee Tottenham.
Waxaa wali jira shaki la xiriira mustaqbalka Mohamed Salah ee Anfield, waxaana la soo jeediyay in Kane uu noqon karo beddelka xiddiga reer Masar ee kooxda reer Merseyside.
Laakiin Kane wuxuu wali heystaa labo sano iyo bar oo ka dhiman qandaraaskiisa Bayern Munich, mana muuqato inuu doonayo inuu si deg deg ah uga tago kooxda.
Markii la weydiiyay haddii uu mustaqbalka jeclaan lahaa inuu ku laabto Premier League, Kane wuxuu u sheegay ESPN:
“Ma hubo. Waxaan mar walba nolosheyda ciyaareed dhahaa ma jecli inaan aad uga fikiro mustaqbalka fog.”
“Aad baan ugu faraxsanahay halkan, waxaan leenahay koox cajiib ah, tababareyaal heer sare ah.”
“Waxaan dareemayaa in xilligan aan joogo heerkii ugu fiicnaa, waxaan rabaa inaan ka ciyaaro heerka ugu sarreeya ee suurtagalka ah, Bayern-na waa meesha ugu sareysa.”
“Waan ogahay in wax badan ay is beddeli karaan kubadda cagta muddo gaaban gudaheed, waxyaabo badanna ay dhici karaan, laakiin anigu diiradaydu waa halkan.”
“Kama fakirayo koox kale ama horyaal kale, waxaan jeclahay inaan u dhaqmo si dabiici ah, waqtiga xaadirkan, diiradaydu waxay ku wajahan tahay Bayern Munich.”
Kane ayaa sidoo kale xusay inuu doonayo inuu soo afjaro wararka sheegaya inuu Bayern ka tagayo labo sano kaddib.
“Waxaa jira warar aan sal iyo raad lahayn oo meelaha lagu faafinayo, runtii ma garanayo halka ay ka yimaadeen,” ayuu yiri.
“Laakiin, si aan u cadeeyo, aad baan ugu faraxsanahay Bayern Munich.”