Kadib markii uu mar kale shabaqa soo taabtay tartanka Champions League, kabtanka xulka England Harry Kane ayaa mar kale xaqiijiyay rabitaankiisa ah in maalin uun uu xirfaddiisa laadadka ku tijaabiyo kubbadda cagta Mareykanka ee NFL.
Kane ayaa dhaliyay goolkii guusha ee Bayern Munich ay 2-1 kaga adkaatay Celtic lugtii hore ee isreeb-reebka Champions League ee Arbacadii.
Ka dib ciyaarta, isagoo la hadlaya CBS, Kane ayaa la weydiiyay jacaylkiisa NFL—wuxuu taageere weyn u yahay kooxda New England Patriots—wuxuuna sheegay in ka guuritaanka kubbadda cagta, u wareegista NFL ay tahay “waxa maskaxdiisa ka dhex guuxaya.”
“Waxaa horay wax la iiga weydiiyay arrintan, balse diiraddaydu hadda waa halkan, Champions League, Bayern Munich,” ayuu yiri Kane.
“Laakiin waa wax aan jeclaan lahaa in aan mustaqbalka sii baadho. Weli waxaan dareemayaa in ay sannado badan ii harsan yihiin.”
Xiddiga 31-jirka ah ayaa haatan leh 36 gool tartanka Champions League, taasoo ka dhigaysa laacibka Ingiriiska ee ugu goolasha badan taariikhda tartankan.
Goolkii uu ka dhaliyay Celtic wuxuu sidoo kale sii xoojiyay rikoorkiisii gaarka ahaa, maadaama uu markale shabaqa Kasper Schmeichel gaaray.