Khabiirka beIN Sports ahna barnaamij daadiyihii hore ee Sky Sports Richard Keys ayaa aaminsan in England ay u baahan tahay kabtan cusub, waxaana uu soo jeediyay xiddiga noqon kara bedelka Harry Kane.
Richard Keys ayaa aaminsan in Kane uu sabab u ahaa wajigabixii ay England kala kulantay tartankii Euro 2024, wuxuuna ku baaqay in laga qaado kabtanimada xulka Ingariiska.
“Waxaa la galay waayo cusub – sidaasi darteed England waxay u baahan tahay kabtan cusub” ayuu Richard Keys ku soo qoray shabakada bulshada ee X.
“Waxaan kabtan u magacaabi lahaa haatan Declan Rice, waxaana ku xiga Jude Bellingham. Waayihii Kane wuu soo dhamaaday. Waxa uu xiriir la leeyahay waayo soo fashilmay. Xitaa ma hubo haddii aan ku soo bilaabi lahaa shaxda xulka laakiin Tuchel wuu ku soo bilaabi doonaa kulamo yar.”
Inkastoo Harry Kane uusan weli ku guuleysanin wax koob ah waayihiisa ciyaareed, hadana waxa uu hormuud u ahaa xulka Ingariiska oo u dhaawaday inay meel fiican ka gaaraan tartamada caalamiga ah tan iyo Koobkii Adduunka ee ay ku guuleysteen 1966kii.
Gareth Southgate ayaa u magacaabay weeraryahankii hore ee Tottenham kabtanka xulka Ingariiska ka hor Koobkii Adduunka ee 2018kii iyadoo Ingariiska ay gaareen wareega afar dhamaadka.
Lama oga haddii Thomas Tuchel uu dhageysan doono baaqaan ku aadan in Harry Kane laga qaado kabtanimada laguna wareejiyo xiddiga Arsenal Declan Rice.