Weeraryahanka reer England ee Harry Kane ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa Bayern Munich, inkasta oo xulkiisa uu u sheegay inuu dhaawacan yahay oo aanu ciyaari karaynin kulamada caalamiga ah ee bishan March.
Harry Kane ayaa waxa uu hore uga maqnaaday ciyaartii Brazil ay 1-0 kaga adkaatay xulkiisa, sidoo kalena waxa aanu qayb ka noqon doonin kulanka xulka Belgium uu Salaasada martida ugu noqonayo garoonka Wembley Stadium.
Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa xaqiijiyey, in Harry Kane uu seegayo ciyaarta saaxiibtinimo ee Belgium ee berri, waxaanay taasi keentay inuu dib ugu laabto kooxdiisa Bayern Munich.
Laacibkan ayaa waxa maanta lagu sawiray garoonka tababarka kooxdiisa Bayern Munich isaga oo isku diyaarinaya ciyaarta Borussia Dortmund ee Sabtida.
30 jirkan oo ay kooxdiisu toban dhibcood ka dambayso Bayer Leverkusen oo hoggaanka haysa, ayaa soo laabashadiisu ay imanaysaa ka hor kulamo adag oo xaasaasi ah.
Munich ayaa waxa ay u baahan tahay inay guul ka keento ciyaarta Borussia Dortmund ee Sabtida, halka Sabtida dambena ay marti u noqon doonaan Heidenheim oo ay ugu sii xigi doonto lugta hore ee wareegga siddeedda Champions League ee ay Arsenal martida ugu noqonayaan Emirates Stadium.