Tababaraha Barcelona, Hansi Flick, ayaa xaqiijiyay in xiddiga garabka weerarka ee Raphinha uusan wax dhaawac ah ka soo gaarin kulankii Champions League ee ay la ciyaareen Borussia Dortmund, inkastoo uu dareemay daal ku yimid intii lagu jiray ciyaarta.
Barcelona ayaa ku guuleysatay in ay garaacdo Dortmund, taasoo ka dhigtay inay ku dhow yihiin inay si rasmi ah ugu soo baxaan wareega 16-ka ee Champions League. Kooxdu waxay ku jirtaa kaalinta labaad ee kala sarreynta, iyadoo urursatay 15 dhibcood 18-ka dhibcood ee suurtagalka ah, waxaana uga harsan laba kulan oo ay ciyaaraan marxaladda group-ka. Waxa ay noqon doontaa lama filaan haddii kooxda reer Spain aysan si toos ah ugu soo bixin wareega xiga.
Raphinha, oo ciyaarta laga saaray daqiiqadii 71-aad kadib markii uu xanuun ka dareemay kuraanta, ayaa la mooday inuu dhaawacmay. Si kastaba ha ahaatee, Flick ayaa sheegay in arrintaasi aanay ahayn mid halis ah.
“Raphinha ma dhaawacmin; kaliya waxa uu dareemay daal,” ayuu Flick ku sheegay wareysi uu siiyay warbaahinta kadib ciyaarta.
Raphinha, oo ah 27 jir reer Brazil ah, ayaa bandhig cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkan 2024-25. Ilaa iyo hadda, wuxuu dhaliyay 17 gool, halka uu sidoo kale caawiyay 8 gool kale, taas oo ka dhigtay mid ka mid ah xiddigaha ugu waxqabadka badan kooxda Barcelona.