Tababaraha Barcelona, Hansi Flick, ayaa ka digay in kooxdiisu aysan lumin feejignaanta marka ay booqanayaan Atlético Madrid kulanka LaLiga ee toddobaadkan.
Barcelona, oo hal kulan ka yar ciyaartay dhamaan kooxaha kale, waxay hoggaanka la wadaagaysaa Real Madrid, halka Atlético ay hal dhibic kaliya ka dambeyso labada kooxood.
Si kastaba ha ahaatee, kooxdiisa Flick ma aysan garaacin Atlético xilli-ciyaareedkan, iyagoo labadii kulan ee ay wada ciyaareen laga dhaliyay goolal waqti dambe.
Barcelona ayaa guuldarro 2-1 ah kala kulantay Atlético bishii December kadib gool laga dhaliyay daqiiqadihii dheeriga ahaa ee LaLiga. Sidoo kale, waxay 4-4 barbaro la galeen Atlético kulankii lugta hore ee afar dhamaadka Copa del Rey, iyadoo ay laba gool ku waayeen 10-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay.
“Runtii waxaan ciyaarnay labo kulan oo wanaagsan oo aan la ciyaarnay Atlético, laakiin waa inaan feejignaanaa laga bilaabo bilowga illaa dhammaadka ciyaarta,” ayuu Flick ka yiri shir jaraa’id oo uu qabtay.
“Waxaan u malaynayaa in kulankii koowaad, dhammaadkii ma aysan noqon sida aan rabnay. Kulankii labaadna sidoo kale, bilowgii iyo dhamaadkiiba.Waa inaan taas ka taxaddarnaa.
“Haddii aad qalad samayso, Atlético waxay ku ciqaabi kartaa, waana wax aan iska ilaalinayno.”
Guul ay gaaraan Barcelona ayaa si weyn sare ugu qaadi doonta fursadohooda hanashada horyaalka ka hor inta aan la gelin fasaxa caalamiga ah.
“Waxaa weli naga horeeya waddo dheer, waa hal kulan, laakiin haddii aad guuleysato, waxay kuu keenaysaa kalsooni dheeri ah iyo rumaysad badan oo ku saabsan waxa aad sameyneyso,” ayuu Flick sii raaciyay.
“Atlético waa mid ka mid ah kooxaha ugu fiican, sida Real Madrid iyo Athletic Bilbao. Kooxaha LaLiga si wanaagsan ayay kubbada cagta u ciyaaraan, waana adag tahay in laga adkaado.
“Laakiin hadda waxaan joognaa xaalad wanaagsan, heer fiican, heer cajiib ah, aad ayaan ugu faraxsanahay.
“Haddii ay ciyaartoydu feejignaadaan oo qof walba bixiyo tamartiisa ugu badan, kooxda waxay leedahay awood aad u badan. Taasi waa waxa aan hadda arkayo, wayna i farxad gelinaysaa.”
Barcelona ma lahan dhaawacyo cusub kahor kulanka, iyadoo kaliya ay maqnaanayaan Marc-André ter Stegen, Marc Bernal iyo Andreas Christensen.