Ciyaaryahankii hore ee Arsenal, Gilberto Silva, ayaa kula taliyay kooxdiisii hore sidii ay ugu guuleysan karaan horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.
Sida shaaca uu ka qaaday Silva 100% kuma filna xaalada hadda Gunners ay kujirto inay ku qaado HHoryaaka, isaga tilmaamay in Arsenal ay u baahan tahay inay cagta saarto wadada isbedelka si ay ugu guuleysato horyaalka.
Arsenal ayaa ku dhameysatay kaalinta labaad ee kala sareynta horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore, waxaana markale ay kujiraan tartanka Horyaalka xili ciyaareedkaan.
kooxda Mikel Arteta ayaa haatan ku jirta booska 4-aad ee kala sareynta Premier League, iyaga oo ka dambeeya kooxaha Chelsea, Manchester City iyo Liverpool.
“Arsenal waxa ay heysataa ciyaaryahano waa weyn, waa koox weyn, laakiin kooxaha waaweyn mar walba kuma guuleystaan koobab,” Silva ayaa u sheegay The Sun.
“Hore ayaan u aragnay tan oo kale, mararka qaarkood waxaad bixineysaa dadaal 100% ah haddana kuguma filnaan karo.
Waxaad u baahan tahay inaad haysato wax dheeraad ah oo aad miiska la timaado xitaa boqolkiiba toban dheeraad ah waa waxa loo baahan yahay” ayuu yiri halyeyga Arsenal.
Dheeraadkaasi wuxuu ka imaan karaa qalbigaaga iyo maskaxdaada, waa inaad leedahay qalbi adag, waa inaad wax walba kaga tagi kartaa garoonka si aysan kuu saameyn “ayuu yiri Silva.