Halyeeyga Liverpool, Mark Lawrenson, ayaa uga digay tababaraha kooxda Arne Slot in xilli ciyaareedka soo socda uu noqon doono Prwmier league mid aad u adag, xilli uu macallinka reer Holland qarka u saaran yahay inuu ku guuleysto horyaalka.
Kooxda reer Merseyside waxay haatan 12 dhibcood ku hogaamineysaa kala sarreynta horyaalka, iyadoo sagaal kulan uga harsan yihiin xilli ciyaareedkan. Inkasta oo ay dhowaan guuldarrooyin ka soo gaareen PSG (Champions League) iyo Newcastle (Carabao Cup), haddana Slot wuxuu aad ugu dhow yahay inuu Liverpool ku hogaamiyo hanashada horyaalkoodii labaad muddo 35 sano ah.
Haddii uu guul taariikhi ah gaadho, Slot wuxuu si deg deg ah u noqon karaa halyeey ka tirsan Reds, wax ka yar sanad kadib markii uu xilka kala wareegay Jurgen Klopp. Si kastaba ha ahaatee, Lawrenson, oo horey shan horyaal ula qaaday Liverpool, wuxuu saadaaliyay in xilli ciyaareedka dambe uu noqon doono mid aad ugu adag macallinkii hore ee Feyenoord.
Iyadoo weli la ogaan la’yahay mustaqbalka xiddigaha muhiimka ah sida Mohamed Salah, Virgil van Dijk, iyo Trent Alexander-Arnold, ma cadda sida ay Liverpool u safan doonto xilli ciyaareedka 2025-26.
Lawrenson wuxuu cadeeyay in haddii Liverpool ay hanato horyaalka, ay noqon doonto kooxda ay dhammaan naadiyada kale doonayaan inay garaacaan.
“Xilli ciyaareedka xiga waa mid aad u adag, maxaa yeelay dhammaan kooxaha waxay rabaan inay ku garaacaan isla markiiba. Hadda, haddii aad ka reebto saddexda kooxood ee ugu hooseysa, markaad fiiriso inta kale, dhammaan kooxaha laga bilaabo kaalinta 16-aad ilaa 8-aad waxay heli doonaan lacag badan xagaaga. Waxay lasoo saxiixan doonaan ciyaartoy wanaagsan, taasoo sii adkeyneysa tartanka kooxaha sare.”
“Laakiin haddii aan hal mar ku guuleysano, oo aynaan u guuleysan si nasiib ah, balse aan ku qaadno awood sababtoo ah waxaan leenahay kooxda ugu fiican, waxa ugu muhiimsan waa sida aan u dhisno kooxda xilli ciyaareedka dambe. Manchester City way soo laaban doontaa, shaki kuma jiro taas, sidoo kale Arsenal.”
“Haddii aan weli ku mashquulsan-nahay raadinta ciyaartoy cusub illaa daqiiqaddii ugu dambeysay ee suuqa kala iibsiga, waxaa laga yaabaa inaan waqti horeba qodax ku noqonno tartanka, taasoo nagu keeni karta inaan dhibco lumino.”