Kaddib sannado badan oo ay taagnayd hadal-hayn isku xidhiidhinaysay Real Madrid iyo Kylian Mbappe, waxa ugu dambayntii soo afjarmaysa sheekadaas iyadoo ay midoobayaan labadan dhinac ee la isla raacinayay.
Real Madrid ayaa heshiis gunaanad ku dhow waxa ay la gaadhay Kylian Mbappe oo xagaaga soo socda si xor ah ugu biiri doona kooxda reer Spain, inkasta oo uu qasnaddooda u dhici doono marka uu heshiiska saxeexo oo la siin doono lacag u dhiganta intii ay PSG kaga soo iibsan lahayd Los Blancos.
Sida uu ku warramayo wariyaha ciyaaraha ee Fabrizio Romano, wada-hadallada u dhexeeya Real Madrid iyo Kylian Mbappe ayaa galay marxaladihii ugu dambeeyey waxaanay hadda ka wada xaajoonayaan lacagaha uyu laacibkan ka heli doono kooxdiisa haddii uu ku guuleysto abaal-marinta xiddiga sannadka ee Ballon d’Or.
Hore waxay iskula meel-dhigeen mushaharka iyo lacagta xaqal-qalinka ee uu Kylian Mbappe ka qaadan doono kooxdiisa Real Madrid, sidoo kale waxay ka heshiiyeen qodobkii ugu adkaa oo ahaa xuquuqda sawirka ee laacibkan oo uu hadda saami weyn ku yeelan doono.
Real Madrid hore uma aanay ogolaan jirin in ciyaartoydeedu ay saami ku yeeshaan xuquuqda sawirka, waxaana dhamaan dhaqaalaha ka yimaadda iska lahayd kooxda balse Kylian Mbappe oo isticmaalaya saamayntiisa iyo magaciisa ayaa ku riixay inay ogolaadaan inuu kala-badh iyo ka badan ku yeesho xuquuqda sawirkiisa.