Waxaa meel xiiso leh sidoo kale maraya qiimeynta ku guuleysiga abaalmarinta Ballon d’Or.
Lionel Messi ayaa ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or sanadii 2023 markiisii 8-aad ee rikoorka ah, wuxuuna weli ku jiraa liiska si uu ugu guuleysto 2024-ka.
Si kastaba ha ahaatee Jude Bellingham iyo Vinicius Jr ayaa haatan hogaaminaya tartanka loogu jiro abaal marinta shaqsiga ugu caansan kubada cagta.
Magacyada kale ee tartanka ku jira waxaa ka mid ah Harry Kane, Kylian Mbappe iyo Rodri.
Cristiano Ronaldo ayaa u dhacay kaalinta 20aad taas oo ka dhigan inay aad u yartahay fursadiisa.
Lionel Messi ayaa ku guuleystay abaal marinta Ballon d’Or markii sideedaad ee sanadka 2023.
Halyeyga weerarka ka ciyaara ayaa abaal-marintan ku mutaystay sannad aan la ilaawi karin oo uu ugu dambayntii kula guulaystay xulka qaranka Argentina koobka Adduunka.
Erling Haaland ayaa ku dhameystay kaalinta labaad laakiin ma uusan awoodin inuu ku guuleysto abaalmarinta markii ugu horeysay xirfadiisa ciyaareed, inkastoo uu seddexleey la qaaday Manchester City.
Isaga oo 37 jir ah oo haatan ka ciyaaraya kooxda Major League Soccer ee Inter Miami, wuxuu hadda u muuqda in Messi aanu u badnayn inuu ku guuleysto kiisii sagaalaad.
Haddaba, markii ugu horreysay muddo sannado ah, waxa ay u muuqataa in tartanka uu u furan yahay qof kasta oo soo gala oo ku guulaysta abaalmarinta Ballon d’Or.
Waagii hore, abaal marinta shaqsiga ah ee sharafta leh waxay ku salaysnayd waxqabadka ciyaartoyga kubbadda cagta sannad gudihiis.
Si kastaba ha ahaatee, markan waa markii labaad ee taariikhda abaal-marinta codadka ayaa lagu saleeyay natiijada xilli ciyaareedka, taasoo la micno ah in 2023, Messi uu ku guuleystay dadaalkiisa, isago qiimeyntiisa laga bilaabay 1 August 2022 wuxuuna ku eka qiimeynti8sa 31,July, 2023.
Waxaa liiskan gaarayo 20-ka musharax ee ugu cadcad ee u sharaxan abaal marinta Ballon d’Or 2024 laga dhex waayay shaqsiyaad caan ah.
Liiska Qiimeynta Ballon d’Or-ka
- Jude Bellingham
- Vinicius Junior
- Rodri
- Harry Kane
- Kylian Mbappe
- Dani Carvajal
- Phil Foden
- Lionel Messi
- Toni KrOOS wuu fadhiistay
- Lamine Yamal
- Lautaro Martinez
- Bukayo Saka
- Declan Rice
- Antonio Rudiger
- Eduardo Camavinga
- Erling Haaland
- Florian Wirtz
- Granit Xhaka
- Emiliano Martinez
- Cristiano Ronaldo
Yame