Cristiano Ronaldo ayaa ku taageeray Ruben Amorim shaqadiisa Manchester United isagoo ku adkeystay in dufaanta Old Trafford aysan sameyn doonin saaxiibkiisa Portugal.
Amorim ayaa si adag ku bilowday nolosha United, isagoo laga badiyay shan ka mid ah 10kii kulan ee ugu horeysay ee uu hogaamiyo tan iyo markii uu bedelay Erik ten Hag bishii hore.
39 jirkaan ayaa sheegay ka dib guuldaradii 2-0 ee Boxing Day kasoo gaartay Wolves taasoo aheyd guuldaradii seddexaad oo xiriir ah tartamada oo dhan in shaqadiisa ay halis geli doonto hadii United aysan si dhaqso ah u helin qaab ciyaareed fiican.
“Amorim waxa uu shaqo cajiib ah ka qabtay Portugal isaga iyo kooxdayda Sporting waxay sameeyeen taariikh,” ayuu yiri Ronaldo oo ka hadlayay Abaalmarinta Globe Soccer Awards ee Dubai lagu qabtay caawa.
Laakiin Premier League waa ka duwan yahay kan Portugal, waa horyaalka ugu tartanka badan adduunka.
Waan ogaa inay adkaan doonto inuu si dhaqso ah ula qabsado duufaanta. Laakiin duufaantu way dhammaan doontaa oo qorraxdu way soo bixi doontaa” ayuu yiri CR7.
“Waxaana u rajeynayaa Manchester United waxa ugu fiican sababtoo ah waa koox aan wali jeclahay.”
Xilligii labaad ee Ronaldo ee United wuxuu soo dhamaaday November 2022 ka dib wareysi uu si weyn ugu bahdilay kooxda, maamulka iyo tababare Ten Hag.