Ballon d’Or-kii 68-aad ayaa caawa la bixin doonaa, waxaana xaflada oo goordhaw bilaaban doonta kusgan marti sharaf, ciyaatooy iyo maamulo kooxeed la casuumay.
Xafladda sanadkan ayaa noqonaysa markii ugu horreysay muddo 21 sano midkoodna Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo loo magacaabin musharaxiinta.
Labada xiddig ee caanka ah ayaa isku dar qaaday 13 ka mid ah 16-kii abaal-marin ee ugu dambeeyay, siddeed waxaa ku guuleystay Messi iyo shanta kale Ronaldo
Karim Benzema iyo Luka Modric ayaa sidoo kale lagu darin liiska 30-ka ciyaaryahan ee u sharaxan abaalmarinta, taasoo la micno ah in ciyaaryaha hore ugu guuleystay abaalmarinta uusan tartanka kujirin.
Labada ciyaaryahan ee Real Madrid Vinicius Jr iyo Jude Bellingham ayaa ka mid ah raga ugu cadcad ka dib markii ay Los Blancos ay ka caawiyeen ku guuleysiga Champions League, LaLiga iyo Spanish Super Cup xilli ciyaareedkii hore.
Ciyaaryahanka Manchester City ee Rodri ayaa sidoo kale si xoogan ugu tartamaya abaalmarinta ka dib markii uu kula guuleystay Premier League markii afaraad Cityzens isagoo sidookale ka caawiyay Spain ku guuleysiga Euro 2024.
Sida loogu kala guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or 2024 oo dhammaystiran, Kala soco halkaan daqiiqad kasta haddii alle idmo.