Isbuuc dhamaadkii ciyaaraha Premier League ayaa la arkayay Arsenal iyo Man City oo dhibco luminaya, halganka Man Utd oo hoos usii socda halka Chelsea ay todoba gool kulan la iska dhaliyay ku garaacday kooxda ay xafiiltamaan ee Tottenham.
Waxaan aqristayaasheena sharata Badam ee nagu xiran halkaan idinkula wadaagi doonaa lix waxuaabood oo laga calaamadeeyay kulamadii isbuucaan Premier League.
1. Ku tiirsanaanta Arsenal Set piece.
Taageerayaasha Arsenal ayaa ku heesayay yaa na hor istaagi kara ka dib markii ay koorno kale ku dhaliyeen gool kulankii ay barbaraha 1-1 la galeen Fulham, laakiin miyay Arsenal aad ugu tiirsan tahay koornooyinka?
Gunners ayaa abuurtay kaliya 0.3 fursad oo gool loo filan karay kulankii Fulham, waa wax ka yar marka la barbar dhigo 1.73 oo ay sameeyeen kulankii Man Utd.
Arteta kooxdiisa waxay kusoo uruurtay ku tiirsananya kubadaha koornooyinka ah, waxaana saddexdii gool ee ugu dambeeyay ay ku yimaadeen set-pieces.
2. Gool dhalinta Brentford
Kaliya Chelsea ayaa ka goolal badan Brentford Premier League xilli ciyaareedkan, ka dib markii kooxda Thomas Frank ay 4-2 kaga badisay Newcastle sabtidii.
Inkasta oo ay xagaagii lumiyeen Ivan Toney, Brentford qaab ciyaareed xoogan oo weerar ah ayay leeyihiin waqtigaan.
Bryan Mbeumo iyo Yoane Wissa ayaa labadoodaba goolal badan ka dhaliyay Premier League, sagaal gool ayay ku lug yeesheen xilli ciyaareedkan halka Kevin Schade uu dhaliyay goolkiisii afaraad kulankii sabtidii.
3. Mustaqbalka Postecoglou
Cadaadiska saaran Ange Postecoglou ayaa sii kordhay ka dib markii ay kooxdiisu mar kale ku fashilantay in ay ku badiyaan laba gool oo ay ku hogaaminayeen ciyaar ku dhamaatay 4-3 oo ay ku garaaceen kooxda ay xafiiltamaan ee Chelsea, taasoo la micno ah in Spurs ay haatan guuldaraysatay todobo ka mid ah 15kii kulan ee Premier League ka ciyaartay xilli ciyaareedkan.
4. United waxay u baahan tahay markale inay qarash gareyso lacag
Guuldaro kale oo soo gaartay Manchester United sabtidii ayaa markale banaanka soo dhigtay xaqiiqda ah in Ruben Amorim uu u baahan yahay in lagu taageero suuqa kala iibsiga hadii uu doonayo inuu wax walba hagaajiyo.
United ayaa horeba ugu qarash garaysay lacago badan dhawrkii xili ciyaareed ee la soo dhaafay kooxda, laakiin xaqiiqda waxay tahay in saxiix walba oo uu keenay Erik ten Hag lagu fashilmay.
5. Fursadaha Guardiola ee horyaalka oo lumay
Man City ayaa badisay kaliya hal kulan sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan kadib markii ay bar-baro 2/2 ah la gashay Crystal Palace sabtidii.
Pep Guardiola ayaa mar kale sheegay inta ciyaaryahan ee ka maqan kooxdiisa in aysan suurta gal ka dhigeyn in ay bandhig fiican helaan.
6 Chelsea waxay heshay bandhig rasmi ah
lacagtooda ayaa qiimo leh ka dib sida aan ka aragno kooxda Chelsea oo ku kharash garaysay seddexda ciyaartoy ee khadka dhexe ee Romeo Lavia, Moises Caicedo iyo Enzo Fernandez lacagtii ugu badneyd.
Kualnkii Chelsea ay garaacday Tottenham wuxuu diray fariin cad oo ah in kooxda Maresca ay kujiraan tartanka Premier League xili ciyaareedkaan.