Ciyaaryahanka reer Senegal ee Chelsea Jackson ayaa ka qayb qaadanaya xili ciyaareedkaan guulaha kooxdiisa, isagoo gaaray shabaqa Aston Villa kulankii ugu dambeeyay ee Premier League.
Jackson wuxuu dhaliyay gool muhiim ah ciyaartii 13-aad ee horyaalka Premier League isagoo kubad qurux badan dhaafiyay goolhaye Martinez.
Xiddiga Nicholas Jackson goolkiisa ayaa ahaa kii 8-aad ee xili ciyaareedkaan horyaalka uu u dhaliyo kooxda Chelsea isagoo sidookale caawiye ka noqday 3 kale.
Jackson ayaa 4-gool ka dambeeya hadda Mohamed Salah oo dhaliyay 11-gool tartanka gooldhalinta horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.
Waxa cajiibka ah ee uu sameeyay ayaa ah in Ilaa bishii May uusan jirin ciyaaryahan ka goolal badan horyaalka weeraryahanka Chelsea marka laga reebo Erling Haaland, oo dhaliyay 18 gool.
Goolashiisa muhiimka ah marka laga yimado Jackson wuxuu tiir muhiim ah u noqday Chelsea, isagoo shaqsi ahaa tartan ugu jira inuu noqdo gooldhaliyaha ugu sarreeya horyaalka Premier Leauue xili ciyaareedkaan.
Tababare Enzo Maresca ayaa ku tilmaamay weeraryahankiisa Jackson mid kamid ah dhaliyaasha ugu halista badan Premier League xili ciyaareedkaan.
Markasta oo ay Chelsea hesho weeraryahan dhalin kara 20 gool iyo kabadan waxay ku guuleysan jirtay horyaalka, hadda taas ayaa markale ka muuqata Bules