Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa looga digay inay la saxeexato xiddiga khadka dhexe uga ciyaara xulka Netherlands iyo kooxda Barcelona ee Frenkie de Jong oo sannadihii ugu dambeeyey si weyn loola xidhiidhinayey Red Devils.
De Jong oo 26 jir ah, ayaa u dhowaaday inuu ku biiro Manchester United xagaagii 2022, laakiin waqti dambe ayaa uu burburay heshiiska oo ay labada kooxood isla meel-dhigeen lacagta, sababtuna waxay ahayd in De Jong uu ka biyo diiday Old Trafford.
Xagaaga soo socda ayaa mar kale la sheegay in De Jong uu noqon doono xiddigaha ay Manchester United isku dayayso inay la saxeexato, laakiin difaacii hore ee Man United ee Mikael Silvestre ayaa u sheegay kooxdiisa hore in aanay la saxeexanin De Jong.
Mikael Silvestre ayaa soo-jeedintiisa ku sababeeyey soo-bixista xiddiga da’da yar ee Kobbie Mainoo, waxaana uu yidhi: “Haddii la heli karayo ciyaartoy sida Frenkie de Jong oo kale ah, waa uu ka fikirayaa Ten Hag, laakiin marka aad haysato Kobbie ee aad haddana ka hadlayso Scott iyo Casemiro oo halkan kuu jooga, maxaad uga baahan tahay De Jong?
“Run ahaantii De Jong wuu ka sarreeyaa Kobbie, laakiin Kobbie Mainoo waxa uu samaynaa korriin, ilamana aha in ay habboon tahay in De Jong uu yimaaddo Old Trafford.
“Haddii aad usoo baxdaan Champions League, waa caqli saliim ah in aad la saxexataan De Jong, sababtoo ah waa ciyaartoy sare oo khadka dhexe ka dhigaya sida uu tababaruhu jecel yahay oo ah laba kubbad-burburiye, haddii aad ku ciyaarayso saddex, markaa boosku wuu ka duwanaanayaa.
“Champions League oo aad usoo baxdaan waa sax inaad la saxeexataan, laakiin haddii kale Kobbie ayaa shaqadaas qabanaya.”
Si kastaba ha ahaatee, Frenkie de Jong oo sannadkii 2019 ay Barcelona kaga soo iibsatay Ajax lacag dhan £65 mkyan oo Gini, ayaa u saftay 206 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah, waxaase la sheegay in Man United iyo Chelsea ay ula diyaar yihiin min £85 milyan oo Gini.