Steven Gerrard oo ku baaqay in FA-ga iyo tababarayaasha England ‘la ganaaxo’ kadib guushii England ee Greece.
Xiddigii hore ee Liverpool iyo England, Steven Gerrard, ayaa si kaftan ah u soo jeediyay in Guddiga Kubadda Cagta Ingiriiska (FA) iyo tababarayaasha England la ganaaxo kadib markii Curtis Jones uu soo bandhigay ciyaar cajiib ah kulankiisii ugu horreeyay ee xulka qaranka.
Gerrard, oo kaftan ku sheegay hadalkan, wuxuu amaanay Jones kaasoo gool dhaliyay kulankiisii ugu horreeyay ee England xilli ay 3-0 kaga badiyeen Greece. 23-jirkan ayaa si qurux badan shabaqa ugu hubsaday baas uu ka helay Morgan Gibbs White, isagoo u dabaal degay bandhiggiisii ugu horreeyay ee xulka qaranka.
Jones ayaa ku jira qaab ciyaareed wanaagsan isagoo ka hoos ciyaaraya tababare Slot, taasoo uu hadda u gudbiyay masraxa caalamiga ah. Gerrard, oo horey u tababari jiray Jones markii uu maamulayay da’yarta Liverpool ee U18, ayaa dhaliilay qaabka tababarayaasha England wakhti dheer ugu qaadatay inay aqoonsadaan hibadiisa.
Tababaraha Al-Ettifaq ayaa ku soo qoray bartiisa Instagram: “Waa ciyaaryahan heer sare ah.hala ganaaxa FA-ga iyo dhammaan tababarayaasha.”