‘Hala ceyriyo!’ – Rio Ferdinand oo ku baaqay in Manchester United ay iska iibiso ciyaartoyda ‘aan waxba tareyn’.
Rio Ferdinand ayaa si waalli ah ugu baaqay mulkiilayaasha Manchester United inay noqdaan kuwo ‘naxariis daran’ oo ay iska diraan ciyaartoyda ‘aan waxba tareyn’ ee jooga Old Trafford.
Ferdinand ayaa tusaale u soo qaatay bixitaanka agaasimaha ciyaaraha Dan Ashworth oo ka tagay kooxda kaddib shan bilood oo kaliya, taasoo uu ku tilmaamay tallaabo naxariis la’aan ah oo ay qaadeen madaxda kooxda.
Manchester United ayaa Ashworth, oo 53 jir ah, ka soo afduubtay kooxda Newcastle United ee horyaalka Premier League, laakiin bixitaankiisa lama filaanka ah ayaa la xaqiijiyay Axaddii.
United ayaa bayaan ku sheegtay in go’aanka lagu gaaray ‘is-afgarad wadajir ah’ waxayna ku dartay: ‘Waxaan u mahadcelinaynaa Dan shaqadiisii iyo taageeradiisii muddadii kala-guurka ahayd ee kooxda, waxaanan u rajeyneynaa wanaag mustaqbalka.’
Halyeeyga kooxda Ferdinand ayaa haatan doonaya in naxariis-darridaas laga hirgeliyo garoonka dhexdiisa isagoo soo jeediyay in laga takhaluso dhowr ciyaartoy oo ‘aan heer fiican joogin’.
‘Waxaan rajeynayaa inay naxariis-darro ka muujiyaan ciyaartoyda aan waxba tarin ee halkaas ku sugan,’ Ferdinand ayaa sidaas ku yiri kanaalkiisa YouTube.
‘Haddii ay jiraan ciyaartoy aan waxba tareyn – oo taageerayaasha oo dhan magacyadooda sheegi karaan – haddii ay halkaas joogeen waqti dheer ama aan kaliya ahayn kuwo heerkaas ah, ula dhaqma si naxariis la’aan ah oo u saara si degdeg ah,.’