Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa axaddii hoggaamiyey ciyaartiisii ugu horreysay iyadoo Red Devils ay barbaro 1-1 ah la galeen Ipswich Town. Goolasha waxaa dhaliyey Marcus Rashford iyo Omari Hutchinson.
Manchester United waxay si rasmi ah u gashay waayaha Ruben Amorim maalintii Axadda, iyadoo uu maamuley kulankiisii ugu horreeyay. United ayaa barbaro 1-1 la gashay Ipswich Town, waxaana lagu arkay nidaam cusub oo uu soo rogay Amorim. Ciyaaraha ayaana si xowli ah u socon doona usbuucyada soo socda, iyadoo United ay ciyaari doonto Khamiista soo socota.
Jamie Carragher ayaa walaac ka muujiyey nidaamka cusub ee 3-4-3 uu Ruben Amorim ka hirgeliyey Old Trafford.
Carragher ayaa Isniintii u sheegay barnaamijka Monday Night Football:
“Hababka kala duwan waxay sababaan faa’iidooyin kala duwan oo meelo kala duwan ah. Aniga, meelaha daciifka ah waa kuwa ku yaalla hareeraha labada ciyaaryahan ee dhexe. Sababtu waxay tahay marka aad isticmaasho afar daafac oo caadi ah, ciyaaryahannada garbaha waxey caawiyaan dhexda, laakiin marka aad ku ciyaarto saddex daafac, kubaddu markay socoto, ciyaartoyda garbaha waxay u dhaqaaqaan banaanka, halka ciyaartoyda garbaha sare iyo daafacyadu ay aad u shaqeeyaan.
“Tani waxay keenaysaa meelo bannaan oo badan oo ku hareeraysan labada ciyaaryahan ee dhexe, gaar ahaan haddii labada ciyaaryahan weerarka ah aysan soo caawin. Waxaana sidoo kale arrintan laga arkay kooxda Ipswich. Su’aasha weyn waa: ma tahay in ciyaaryahanka khadka dhexe uu buuxiyo booskaas mise waa in mid ka mid ah daafacyada dhexe uu soo baxo si uu u daboolo booska?”
“Amorim arrintan waa uu ku fashilmi doonaa,horyaalkaan ma aha mid sahlan,wey adagtahay in taatiko noocaas kuu shaqeyso”