Alexander Isak ayaa soo jiitay indhaha kooxo badan oo waa weyn kaddib bandhigii cajiibka ahaa ee uu sameeyay xilli ciyaareedkan, isagoo wacdaro ka dhigay safka hore ee Newcastle United.
Weeraryahanka xulka Sweden ayaa xilli ciyaareedkan dhaliyay 23 gool 33 kulan oo uu saftay, halka xilli ciyaareedkii hore uu dhaliyay 25 gool 40 kulan.
Warbixin ay Football Insider daabacday 16-kii Febraayo ayaa lagu sheegay in Isak loo arko xiddiga “ugu habboon” ee Liverpool ay u keeni karto tababaraheeda cusub Arne Slot iyo kooxdiisa.
25-jirkan ayaa sidoo kale dhaliyay gool muhiim ah kulankii finalka Carabao Cup, markaasoo Newcastle ay 2-1 ku garaacday Liverpool 16-kii Maarso.
Barcelona Oo Daba Socota Isak – Laakiin Ma Awoodi Doonaan?
Sida laga soo xigtay The Mail, Barcelona ayaa si dhaw ula socotay Isak intii lagu jiray kulankii ay Newcastle 1-0 kaga adkaatay West Ham bishan Maarso.
Si kastaba ha ahaatee, khabiirka dhaqaalaha ee Stefan Borson ayaa u sheegay Football Insider in Barcelona aysan xaalad dhaqaale ahaan u diyaarsaneyn inay la saxiixato Isak, maadaama ay weli la daalaa-dhacayaan dhibaatooyin dhaqaale oo waaweyn.
Borson ayaa hore u sheegay in Newcastle ay damacsan tahay inay Isak u bandhigto qandaraas cusub oo rikoor jabin ah, si ay u sii haysato xiddiga ilaa dhamaadka qandaraaskiisa oo dhacaya 2028.
Newcastle ayaa Isak kala soo wareegtay Real Sociedad xagaagii 2022, heshiis rikoor u ahaa kooxda, oo gaadhaya £63m.
Borson wuxuu intaa ku daray in haddii Newcastle ay go’aansato inay iibiso Isak xagaagan, ay dalban doonaan qiimo u dhexeeya £125m ilaa £150m.
“Barcelona waxay shaacisay inaysan xilli ciyaareedkan ku ciyaari doonin garoonkeeda. Waxay rajeynayeen inay dib ugu laabtaan Camp Nou, laakiin dhaqaale ahaan meel wanaagsan ma joogaan si ay u sameeyaan heshiis noocan ah,” ayuu yiri Borson.
“Si kastaba ha ahaatee, shantii sano ee la soo dhaafay, Barcelona waxay sameysay heshiisyo aad mooddo kuwo suurtagal la’aan ah, sidaas darteed wax walba waa macquul.”