Arne Slot: “Haddii Aan Ku Guuleysan Weyno Horyaalka, Adiga Ayaan Eedeyn Doonaa” – Wixii Uu Tababaraha Liverpool Ku Yiri Garsoore Michael Oliver
Waxaa la ogaaday wixii dhex maray tababaraha Liverpool, Arne Slot, iyo garsoore Michael Oliver kaddib ciyaartii 2-2 kusoo dhamaatay ee ay la ciyaareen Everton.
Sida laga soo xigtay Mail Sport, Slot ayaa ku yiri garsooraha: “Haddii aan ku guuleysan weyno horyaalka, adiga ayaan ku eedi doonnaa.” Ereyadan ayuu ku yiri kaddib markii ay labadooda isku gacan qaadeen dhamaadka ciyaarta garoonka Goodison Park.
Kadib hadalladan, Slot ayaa lagu ganaaxay labo kulan iyo £70,000 oo ganaax ah, iyadoo xiriirka kubadda cagta Ingiriiska (FA) uu si rasmi ah u shaaciyay faahfaahinta wixii dhacay.
Si kastaba ha ahaatee, Slot ayaa ku dooday in ereyada saxda ah ee uu isticmaalay ay ahaayeen: “Haddii aan ku guuleysan weyno horyaalka, adiga ayaan kuu mahadcelin doonnaa,” balse ma uusan beenin eedeynta ah inuu ku tilmaamay caawiyaha garsooraha inuu yahay “Laaluush qaate aan xishood lahayn.”
Liverpool ayaa haatan hoggaanka u heysa horyaalka Premier League iyagoo 13 dhibcood ka sarreeya Arsenal, waxaana loo arkaa kuwa ugu cadcad inay ku guuleystaan horyaalka xilli ciyaareedkan.