Madaxweynaha Real Madrid, Florentino Perez ayaa u sheegay Marco Asensio inuu ka shallayn doono haddii uu ka tago kooxda.
Waa hadalkii madaxweyne Perez yiri ka hor inta uusan xiddiga reer Spain ka tagin Santiago Bernabeu sannadkii hore, sida lagu sheegay warbixin caawa lagu daabacay Real Madrid Confidencial.
Asensio waxa uu si xor ah uga tagay kooxda heysata horyaalka La Liga isagoo ku biiray PSG suuqii xagaagii 2023.
Wuxuu usoo dhaqaaqay Real Madrid xagaagii 2015 waxaana uu amaah hal xilli ciyaareed ah ku qaatay Espanyol.
Intii lagu guda jiray todobadii sano ee uu la joogay kooxda ka dhisan La Liga, wuxuu u saftay 286 kulan, isagoo dhaliyay 61 gool, wuxuuna caawiyay 32 kale.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa ku guuleystay intii uu la joogay Real Madrid seddex horyaal oo La Liga ah, seddex Champions League, iyo afar FIFA Club World Cup ah.
Inkasta oo uu ku guuleystay koobab, Asensio wuxuu ku dhibtooday inuu boos ka helo safka hore ee Real Madrid.
Xiddiga heerka caalami ee dalka Spain ayaa doonayay inuu baxo sannadkii hore ka dib markii uu dhacay qandaraaskiisa.
Inkastoo madaxda Madrid ay isku dayeen inay siiyaan heshiis cusub, Asensio wuxuu doortay inuu si bilaash ah ugu biiro PSG.
Sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay Real Madrid Confidential, Perez ayaa u sheegay Asensio inuu ka shallayn doono haddii uu ka tago kooxda, waana mida dhacday ugu danbeyn.