Fulham iyo Arsenal ayaa min hal dhibic kala qaatay kulankii caawa ka dhacay Craven Cottage oo ku dhamaaday 1- 1.
Waxay Arsenal u aheyd kulankii ugu niyad jabka badnaa caawa, maadaama hamigoodii tartanka horyaalka uu lumay.
Kooxda Mikel Arteta ayaa ciyaarta oo dhan haysatay kubbada (67%) halka Fulham ay ku dadaaleysay in ay ilaashato natiijada barbaraha ah.
Haddaba dhowr waxyaabood ayaa laga diiwaan galiyay kulankii Arsenal barbaraha la gashay Fulham caawa.
> Arsenal ayaa dhalisay 15 gool oo koorno ah oo Premier League ah sanadka 2024, waana tiradii ugu badneyd ee hal sano ay ka dhaliyaan horyaalka.
> Fulham ayaa hal isku day kaliya sameysay ciyaarta oo dhan, waxaana gool u bedelay Raúl Jiménez daqiiqadii 11-aad, hore hal mar kaliya ayay sidaan oo kale ku dhacday iyagoo wajahaya Manchester City 1 bishii Mach 2024.
> Tan iyo bilowgii xilli ciyaareedka 2022-23, daafaca kaliya ee goolasha ka badan ka dhaliyay William Saliba 6 ka dhaliyay Premier League waa saaxiibkiisa Arsenal Gabriel Magalhaes oo 10 saxiixay.