Erik ten Hag, oo ku faraxsan guushii ay Manchester United ka gaartay Brentford, ayaa rajaynaya in xaaladaha kooxdu ay soo hagaagaan. Ten hag oo Habeenka khamiista wajahaya kooxda tababare Mourinho, ayaa digniin culus u diray dhiggiisa. Wuxuu sheegay in United Ay hadda soo laabatay ayna dardari doonto cid kasta oo isku dayda iney hor istaagto.
Jose Mourinho ayaa heli kara fursad uu dhib kale ugu geysan karo kooxdiisii hore Manchester United marka ay ku kulmaan habeenka khamiista, iyadoo Ten Hag uu ku jiro xaalad cadaadis badan ka dib labo toddobaad oo la hadal hayay shaqadiisa.
Dhanka kale tababare ku xigeenka United Val Nistelrooy ayaa talooyin la xiriira dhanka gool dhalinta siiyay Rasmus Hojlund, taas oo sababtay in uu United kusoo celiyo dhabbada guulaha.Tani ayaa calaamad muuqata u ah in xaaladaha Manchester United ay hagaagayaan.Waxey arrintan si cad usoo celisay kalsoonida Ten hag ee Kooxda.
Ten Hag ayaa ku tilmaamay Jose Mourinho “tusaale” ay tababarayaashu raacaan kahor kulanka adag ee Fenerbahce, isagoo sidoo kale digniin culus hawada u mariyay Mourinho.
Weeraryahanka halyeeyga ah Alan Shearer, ayaa u digay Ten Hag, wuxuuna hawada u mariyay in kooxdiisa Manchester United ay ku qasban tahay inay sii wado natiijooyinka wanaagsan si aysan u wajahin cadaadis iyo dhaleeceyn dheeri ah.