Garsoore Maxamed Nuur Muxudiin oo loo yaqaan Maxamed Somali, ayaa ku dhawaaqay inuu joojiyay dhamaan howlihii dhanka garsoorka ee uu u hayay xiriirka soomaaliyeed ee kubadda cagta.
Maxamed Soomaali oo muddo 12 sano ah ka shaqeynayay howlaha garsoorka kubadda cagta oo wareysi siiyay warbaahinta maxaliga ah, wuxuu ku eedeeyay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, Cali Shiine cadaalad darro iyo wax isdaba marin muddo soo jirtay.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ayuu ku yiri” Go’aankan, waxa uu ka dhashay dareenka ah in ay jiraan cadaalad darro iyo nin jeclaysi ku saleysan hogaaminta iyo shaqooyinka guddiga garsoorka ee xiriirka kubadda cagta, gaar ahaan xiriirka tooska ah ee aad adigu, mudane Cali Shiine, ka leedahay. Waxaan si cad u arkaa in garsoorayaasha aanan loo siinin fursad siman oo cadaalad ah, iyadoo lagu saleynaayo dano gaar ah iyo taageero dhinac u janjeerta.
In aan noqdo garsoore waxa ay ahayd mas’uuliyad culus oo aan ku qaatay daacadnimo, dadaal iyo u adeegid cadaalad ah. Si kastaba ha ahaatee, waxaa ii cadaatay in jawiga aan hadda ku shaqeynayo aanu suurtagal ahayn inaan sii hayo mas’uuliyaddaas si waafaqsan mabda’a garsoornimo oo hufan. Tani waxa ay dhaawac weyn u keentay sumcaddii iyo qiimihii garsoorka kubadda cagta ee aan jeclaa inaan sii xoojiyo.
Waxaan aad uga xumahay in arrimahan ay igu dhalisay inaan ka tanaasulo howlaha garsoorka, balse waxaan aaminsanahay in tani ay tahay go’aan sax ah oo ku habboon xaaladda hadda jirta.
Garsoore Mohamed Nur Muhudin eedeymaha uu soo jeediyay waxaa kamid ah in gudoomiyaha xiriirka soomaaiyeed ee kubadda cagta uu si toos ah ugu cadaadin jiray inuu cadaalad darro ku sameeyo kulamada qaar ee uu garsooraha ka ahaa.
Ciyaarihii maamul-goboleedyada iyo kulamo katirsan horyaalka heerka koowaad ayaa qeyb ka ah kulamo uu sheegay garsoore Maxamed Soomaali in lagu amray inuu masu-maasuq ka sameeyo.
Arintaan la xiriirta Musuqa garsoorka soomaaliyeed, waxaa ka dhalan kara ganaaxyo ay la kulmaan gudiga garsoorka iyo xiriirka soomaaliyeed ee kubadda cagta. Waxaana arimahaan oo kale lagu ganaaxay dhowr wadan oo Africa ah.