Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay dhaawacyo cusub oo soo gaaray Manchester City kaddib guushii ay ka gaareen Nottingham Forest.
Manchester City, oo muddo toddobo kulan ah guul la’aan ahayd, ayaa Arbacadii ka adkaatay Nottingham Forest 3-0 kaddib goolal ay dhaliyeen Bernardo Silva, Kevin De Bruyne, iyo Jeremy Doku.
Si kastaba ha ahaatee, guushaasi waxay u muuqataa mid ku timid qasaaro, kaddib markii laba ka mid ah ciyaartoydooda – Nathan Ake iyo Manuel Akanji – ay dhibaatooyin dhaawac cusub ka soo gaareen garoonka Etihad.
Ake ayaa lagu qasbay inuu ciyaarta ka baxo qeybtii labaad kaddib dhaawac looga shakiyay muruqa hoose (hamstring), halka Akanji lagu beddelay qeybta nasashada ee ciyaarta, taasoo ah dhibaato cusub oo soo wajahday Guardiola.
Guardiola oo ka hadlayay ciyaarta kaddib ayaa yiri: “Dhibaatooyinku way sii socdaan oo Manuel iyo Nathan ayay ku dhaceen.
“Nathan xaaladdiisu ma wanaagsanayn. Waa inaan aragnaa berri. Wuxuu u muuqdaa inuusan sii wadan karin ciyaarta, waxaana sugaynaa saddexda maalmood ee soo socota waxa dhici doona.
“Waxaan ka xumahay xaaladda Nathan. Manu waxaa laga yaabaa inuu diyaar u noqdo Turin [Juventus 11ka Diseembar], laakiin Nathan wuxuu maqnaan doonaa muddo dheer.”