Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa sheegay inuu ka reebay Kevin De Bruyne kulankii ay la yeesheen Real Madrid ee Champions League toddobaadkan.
De Bruyne ayaa keydka ku jiray xasuuqii City loogu geystay Bernabeu Arbacadii, taasoo keentay in laga ciribtiro tartanka iyadoo guud ahaan lagu garaacay 6-3.
Tani waa markii saddexaad afartii sano ee ugu dambeysay oo Los Blancos ay City ka reebto tartanka.
De Bruyne, oo ah ciyaaryahankii ugu hal-abuurka badnaa ee City xilli ciyaareedyo badan, wuxuu kursiga keydka ku dhammeystay dhammaan 90-kii daqiiqo.
Go’aanka Guardiola ayaa sababay hadal-hayn ku saabsan mustaqbalka 34-jirkaan ee Etihad.
“Kevin De Bruyne ma uusan ku bilaaban kulanka Real Madrid sababtoo ah waxaan sameeyay go’aan farsamo. Ma dhaawacmin,” ayuu yiri Guardiola.
” Waa go’aankeyga. Dabcan, wuu ciyaari karaa kulamada waaweyn… wuxuu ka horyimid Madrid kulankii gurigeena, dabcan wuu ciyaari karaa.
“Xiriirka aan la leeyahay Kevin De Bruyne waa mid aad u wanaagsan. Uma mahadcelin karo si ku filan wixii uu ii sameeyay, kooxda, iyo qof walba. Waa kaliya go’aan.
“Caadiyan la hadli maayo ciyaartoyda, Kevin kaliya maaha, sababta ay u ciyaari waayeen. Markaan doorto inay ciyaaraan, iyagu ima weydiiyaan sababta. Waa kaliya go’aan aan ku saleynayo wixii aan arkay, sababo badan dartood. Marna ma ahan wax shaqsi ah, marna ma ihi qof xanaaqsan.”