Pep Guardiola ayaa la soo warinayaa inuu qorsheynayo isbeddel ballaaran oo ka dhici doona Manchester City, isagoo doonaya inuu iska diro toddoba ciyaaryahan si uu u cusbooneysiiyo kooxdiisa oo dhibaato la kulmeysa.
Tababaraha reer Spain ayaa si naxariis darro ah uu diri doona xiddigaha uu u arko inay dhaafeen da’da ugu fiican ee lagu ciyaari karo, taasoo ka dhigan in qaar ka mid ah magacyada waaweyn ee kooxda ay tegi doonaan.
Xiddigaha xulka England ee Jack Grealish iyo John Stones ayaa ka mid ah toddobada la sheegay in waqtigooda Etihad Stadium uu gabaabsi yahay. Kevin De Bruyne, oo horey u ahaa maskaxdii hal-abuurka City, balse qandaraaskiisu dhacayo bisha Juun, ayaa isaguna liiskan ku jira.
Sidoo kale, waxaa la sheegay in iibka weyn uu saameyn doono xiddigo door weyn ka qaatay guushii City ee saddexda koob xilli ciyaareedkii 2022/23 iyo gumeysiga ay ku hayeen kubadda cagta Ingiriiska sanadihii ugu dambeeyay.
Sida ay sheegtay Sky Sports Switzerland, Bernardo Silva, Ederson, Ilkay Gundogan iyo Mateo Kovacic ayaa dhamaantood laga yaabaa inay baxaan. City ayaa si weyn u rabta inay dib u dhisto kooxda, maadaama xilli ciyaareedkan uu noqday midkoodii ugu liitay tan iyo markii Guardiola yimid.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in ‘kacdoon’ lagu diyaarinayay gudaha kooxda bilihii la soo dhaafay. Qorshaha dib u dhiska waxa uu bilowday bishii Janaayo, markaasoo la keenay Nico Gonzalez, Omar Marmoush, Abdukodir Khusanov iyo Vitor Reis – iyada oo kaliya Marmoush uu ka weyn yahay da’da 23 jirka.
City ayaa sii wadi doonta inay la soo wareegto xiddigo da’yar oo caawin kara Guardiola si uu dib ugu hantiyo horyaalka Premier League. Waxaa si xooggan loola xiriirinayaa xiddiga Bayer Leverkusen ee Florian Wirtz, kaasoo loo arko beddelka De Bruyne.