Tababaraha kooxda Manchester City, Pep Guardiola, ayaa heshiis cusub oo hal sano ah la gaaray City, sida ay fahamsan tahay Sky Sports News.
Qandaraaska cusub ee uu saxiixay tababaraha Isbaanishka ayaa waxaa ku jira ikhtiyaar uu ugu kordhin karo hal sano oo kale ilaa 2027. Qandaraaskiisa haatan ee Manchester City wuxuu ku egyahay dhammaadka xilli ciyaareedkan.
The Athletic ayaa ku warramaysa in lagu dhawaaqi doono heshiiska maalmaha soo socda. qandaraaska cusub ayaa ka dhigan in Guardiola uu ku sugnaado City in ka badan toban sano, maadaama uu ku soo biiray Manchester City xagaagii 2016.
Guardiola wuxuu ku guuleystay 18 koob oo ay ku jiraan lix horyaal oo Premier League ah iyo Champions League isagoo la jooga City.
Maalmahan waxaa si weyn loo hadal hayay mustaqbalka Guardiola, gaar ahaan ka dib markii ay kooxda xaqiijisay in agaasimaha kubadda cagta, Txiki Begiristain, uu ka tagi doono kooxda xilli ciyaareedka dhammaadkiisa. Begiristain, oo ah saaxiib hore oo Guardiola ah, waxaa beddeli doona Hugo Viana oo Sporting Lisbon ka yimid, sidoo kale hore ugu ciyaaray kooxda Newcastle.
Xallinta hubanti la’aanta ku saabsan booska Guardiola waxay ka hortagi doontaa qas iyo isku dhex yaac suurtogal ah xagaaga soo socda, xilli kooxda la filayo inay ka qeyb gasho Koobka Adduunka ee Naadiyada.
Wararkan, oo la filayo in si rasmi ah loogu dhawaaqo toddobaadkan, ayaa ku soo beegmaya waqti xasaasi ah oo xilli ciyaareedka City ah.
Kooxda oo ay dhaawacyo hareeyeen ayaa hoos u dhac ku yimid qaab ciyaareedkooda, iyadoo laga badiyay afartii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan – taas oo ah rikoor xun oo Guardiola ku cusub xirfaddiisa tababarenimo.