Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay diiday dalabkii ugu horeeyay ee Al-Nassr oo ku aadana goolhaye Ederson.
30 jirkaan ayaa ahaa lambarka 1-aad ee aan laga doodin Man City tan iyo markii uu kooxda kaga soo biiray Benfica xagaagii 2017-kii.
Ederson ayaa 332 kulan u saftay Citizens, isagoo kooxda ka caawiyay inay ku guuleysato lix horyaal oo Premier League ah, afar EFL Cup, labo FA Cup, Champions League, UEFA Super Cup iyo FIFA Club World Cup.
Inkasta oo uu wali xiddig muhiim ah ka sii yahay Etihad Stadium, Man City ayaa haatan wajaheysa dagaal ay ku sii haysan karto adeegiisa xilli ciyaareedka 2024-25.
Dhawaan ayaa la sheegay in goolhayaha reer Brazil uu dalab 25 milyan oo ginni ah ka helay koox aan la magacaabin oo Saudi Pro League ah.
Kooxdaas ayaa hadda lasoo bandhigay inay tahay Al-Nassr oo ay hadda ku sugan yihiin ciyaartoy magac leh oo ay ka mid yihiin Cristiano Ronaldo, Sadio Mane, Marcelo Brozovic iyo Ederson saaxiibkii hore ee Man City Aymeric Laporte.
Man City ayaa diiday dalabkii ugu horeeyay ee Al-Nassr, taasoo ka dhigeysa in kooxda Saudi Arabia ay go’aan ka gaarto inay la soo laabato dalabkaas.
Al-Nassr ayaa la rumeysan yahay inay diyaar u tahay inay u soo bandhigto Man City qandaraas laba sano ah oo qaali ah oo ku kacaya 60 milyan oo Yuuro
In kasta oo City aanay la jaan qaadi karin shuruudahaas, waxay diyaar u yihiin inay Ederson siiyaan 75% mushahar kordhin , si ay u kordhiyaan heshiiskiisa hadda oo soconaya ilaa June 2026.
Man City ayaa laga yaabaa inay diyaar u tahay inay heshiis cusub ka saxiixato Ederson, laakiin ma hor istaagi doonaan jidkiisa haddii uu go’aansado inuu doonayo inuu kooxda ka tago.
Tilmaanta hadda jirta ayaa ah in xiddiga reer Brazil uu diyaar u yahay tartan cusub oo uu doonayo in uu dhamaystiro u dhaqaaqista Saudi Pro League.
Hadii Ederson uu baxo, waxaa jirta rajo ah in Stefan Ortega loo dalacsiin doono goolhayaha koowaad.
Ortega, oo sideed kulan shabaqa ilaashaday 20 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkii hore, ayaa dhawaan saxiixay heshiis cusub oo uu ku kordhinayo labo sano oo uu kula sii joogayo Man City ilaa xagaaga 2026.