Pep Guardiola Oo Digniin Iscasilaad ah u diray Man City Inkastoo Uu Saxeexay Heshiis Cusub.
Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa sheegay inuu iska casili doono shaqadiisa haddii uu ku guuldareysto inuu soo celiyo qaab-ciyaareedkii fiicnaa ee kooxda, inkastoo uu dhawaan saxiixay heshiis cusub.
Guardiola ayaa wajahaya xilli ciyaareedkiisii ugu xumaa xirfaddiisa tababarenimo, iyadoo City aysan wax guul ah gaarin lixdii kulan ee ugu dambeysay. Kulammadii ugu dambeeyay, waxa ay guuldarro 4-0 ah kala kulmeen Tottenham iyo barbarro 3-3 ah oo ay la galeen Feyenoord kaddib markii ay hoggaankii 3-0 iska lumiyeen. Xaaladdan oo kale, Guardiola ayaa sheegay in haddii uusan xaaladda kooxda hagaajin kari waayo, uu doorbidi doono inuu kooxda isaga tago.
Tababarihii hore ee Barcelona ayaa sidoo kale uga digay ciyaartoydiisa inay lumin karaan fursadda hanashada horyaalka haddii ay guuldarro kala kulmaan Liverpool Axadda. Waxa uu tilmaamay in guuldarro kale ay City ka dhigeyso koox kaliya u tartameysa boosaska Champions League. Inkastoo uu saxiixay heshiis uu kooxda ku sii joogi doono illaa 2026, weli ma cadda inuu dhammaysan doono muddadaas.
Guardiola ayaa yiri:
“Ma doonayo inaan sii joogo meeshan haddii aan dareemo inaan ahay mushkiladda kooxda.
“Guddoomiyahayga wuu ogyahay taas. Waxaan ku iri, ‘I sii fursad aan isugu dayo inaan soo laabanno,’ gaar ahaan marka dhammaan ciyaartoyda dhaawaca qaba soo noqdaan oo aan aragno waxa dhaca. Haddii aanan awoodin inaan wax ka qabto, waa inaan isbeddel sameyno, maxaa yeelay, dabcan, sagaalkii sano ee la soo dhaafay waxey noo aheyd farxad.”