Manchester City ayaa lagu soo warramayaa inay bartilmaameedsanayaan xiddiga Newcastle United, Bruno Guimaraes, si uu ugu buuxiyo booska Rodri oo dhaawac muddo dheer uga maqan kooxda.
Tababaraha City, Pep Guardiola, ayaa si weyn u xiisaynaya xiddigan reer Brazil, oo lagu sheegay inuu qeyb muhiim ah ka yahay qorshayaasha suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo.
Rodri, oo muhiim u ahaa khadka dhexe ee City, ayaa ka maqnaan doona garoomada inta ka dhiman xilli ciyaareedkan dhaawac jilibka ah awgii. Sidaas darteed, Guardiola wuxuu raadinayaa xal degdeg ah si uu u xoojiyo khadka dhexe inta lagu jiro qeybta labaad ee xilli ciyaareedka.
Sida laga soo xigtay The Daily Mail, Guimaraes ayaa ka mid ah xiddigaha ku jira liiska bartilmaameedyada City. Newcastle ayaa meel asag ka taagan arrintan, maadaama xiddigu uu dhowaan saxiixay qandaraas cusub oo uu kula sii joogayo kooxda ilaa 2028, taas oo siineysa New castle awood ay ku dalban karto qiimo sare.
Xiddigan 27-jirka ah ayaa si weyn uga dhex muuqday Premier League tan iyo markii uu £40 milyan uga soo wareegay kooxda Lyon bishii Janaayo 2022.
Guardiola ayaa la sheegay inuu “ka helay” qaab ciyaareedka Guimaraes, iyadoo City ay isku dayday inay la saxiixato xagaagii hore laakiin ay ka baaqsatay sababo la xiriira qodob lacag lagu fasixi karo oo gaadhayay £100 milyan.
Inkasta oo qandaraaska cusub ee Guimaraes uu Newcastle siinayo awood ganacsi oo adag, City ayaa la filayaa inay isku daydo inay ku qanciso kooxda Geordies inay iibiso xiddigooda muhiimka ah. Kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa lagu wadaa inay keensato ugu yaraan hal ciyaaryahan khadka dhexe ah bisha Janaayo.