Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa wajahaya waqti adag oo ah midkii ugu xumaa intii uu ku sugnaa kooxda, xilli ay isku diyaarinayaan kulanka muhiimka ah ee ay Anfield kula ciyaari doonaan Liverpool. Inkastoo uu yahay mid ka mid ah tababarayaasha ugu guulaha badan jiilkiisa, Guardiola ayaa haatan ku jira xaalad uu ku khasban yahay inuu dib isku muujiyo.
Guardiola wuxuu taageerayaasha City u ballanqaaday inuu dhisi doono kooxda uuna kusoo celin doono sideedii hore.
Guardiola oo 53 jir ah ayaa intii uu maamulayay Man City ku guuleystay lix horyaal oo Premier League ah, Champions League, iyo koobab kale oo badan. Si kastaba, kooxda ayaa haatan ku jirta xaalad adag kadib shan guuldarro iyo hal barbaro oo xiriir ah.
“Marka wax walba si fiican u socdaan way fududahay.laakiinse Hadda? Maya. Waa inaan dib isku muujiyo,” ayuu yiri Guardiola.
Tababaraha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu sii joogayo kooxda kaddib markii uu saxiixay heshiis laba sano ah si uu dib ugu dhiso kooxda uguna hoggaamiyo waqti cusub oo guulo ah.
Guardiola ayaa sidoo kale diiday inuu ka cawdo maqnaanshaha Rodri iyo dhaawacyada xiddigo kale, isagoo sheegay in kooxdu aysan raadin wax mar-marsiinyo ah. “Ma ooynaa Rodri haddii uusan joogin? Waa inaan xal helnaa, taas ayaan maalin walba ku dadaalayaa,” ayuu yiri.
Tababaraha reer Spain ayaa xusuusiyay taageerayaasha guulihii dhawaanahan ay gaareen, oo ay ku jiraan Saddexdii koob Taariikhiga ahaa ee xilli ciyaareedkii hore, balse wuxuu qiray in ay muhiim tahay in ay badiyaan kulamada soo socda. “Ma ahan in mar walba si cajiib ah loo ciyaaro. Waa in la helo qaab guul lagu gaaro.”
Iyadoo kulanka Liverpool uu hor yaallo, Guardiola ayaa ku adkeysanaya inuu diyaar u yahay inuu dib u dhiso kooxda si uu mar kale u muujiyo inuu yahay mid ka mid ah kuwa ugu wanaagsan kubadda cagta.