Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay rajeyneyso inay ku dhawaaqdo imaatinka Leny Yoro.
18 jirkaan ayaa Arbacadii u safray Manchester si uu tijaabada caafimaadka ugu maro kooxda 20-ka jeer ku guuleysatay horyaalka Ingariiska, waxaana qeybta hore ee baaritaannada la sheegay inay horay u dhaceen.
Man United ayaa hadda ka shaqaynaysa sidii ay u dhamaystiri lahayd heshiiska da’yarkan, kooxdu waxa ay filaysaa in ay ku dhawaaqdo saxiixiisa Habeenka Jimcaha.
Warbixinta ayaa sheegeysa in Yoro uu horey ula heshiiyey Man United heshiis shan sano ah, oo lagu daray ikhtiyaar 12 bilood oo dheeri ah, sidaas darteed heshiiska ayaa si dhaqso ah u dhaqan geli doona marka uu da’yarku dhammeeyo dhammaan tijaabooyinka looga baahan yahay.
Real Madrid ayaa sidoo kale si aad ah loola xiriirinayay Yoro xagaagan, waxaana la moodayay in ninka reer France uu iska diidi doono u dhaqaaqista Man United isagoo rajeynayay inuu u wareego horyaalka La Liga.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa la fahamsan yahay in Yoro uu ka dhawaajiyay habeenkii Talaadada inuu doonayo inuu u dhaqaaqo Old Trafford.
Waxaa jiray warar is khilaafsan oo ku saabsan qiimaha saxda ah ee Yoro, laakiin waxaa la rumeysan yahay in Man United ay ku bixin doonto Lacag dhan€ 50 Milyan oo Yuuro.
Qandaraaska daafaca dhexe ee Lille ayaa dhacaya xagaaga soo aadan, waxaana la fahamsan yahay in kooxda reer France ay ku riixeysay inuu u dhaqaaqo Old Trafford.
Daafaca dhexe ayaa horay ugu saftay 60 kulan kooxda koowaad ee Lille, oo ay ku jiraan 44 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkii 2023-24, kooxo badan oo waaweyn oo Yurub ah ayaa la sheegay inay xiiseynayeen saxiixiisa.
Yoro ayaa loo saadaalinayaa inuu noqdo mid ka mid ah daafacyada ugu fiican kubada cagta adduunka sanadaha soo socda, waxaana uu u muuqdaa mid jir ahaan u diyaarsan inuu la dagaalamo mowjadaha Premier League, isagoo ku faanaya dhirirkiisa 6-da feet iyo 3-da inche iyo sidoo kale orodkiisa cajiib leh.