Goolhayaha Kooxda Chelsea, Robert Sanchez, Ayaa Sheegay In Ciyaartoydu Ay Niyad Jab Weyn Dareemi Doonaan Haddii Ay Xilli Ciyaareedkan Ku Dhammeystaan Meel Ka Baxsan Boosaska Champions League.
Wuxuu sheegay in ciyaartoydu ay diiradda saarayaan sagaalka kulan ee uga harsan horyaalka Premier League.
Sanchez ayaa u sheegay website-ka rasmiga ah ee Chelsea in ciyaartoydu ay niyad jab dareemeen kadib guuldarradii 1-0 ee ay kala kulmeen Arsenal.
Arsenal ayaa Axadii hore 1-0 ku garaacday Chelsea, waxaana goolka kaliya ee ciyaarta dhaliyay Merino taasoo Gunners-ka u suurtagelisay inay saddexda dhibcood ku qaataan Emirates Stadium.
Sanchez wuxuu aaminsan yahay in kooxda Blues ay horumar sameyneyso isla markaana ay rajeynayaan inay badiyaan dhammaan kulamada uga haray xilli ciyaareedka.
Goolhayahan oo xilli ciyaareedkan si weyn loogu dhaleeceeyay qaladaad badan oo horseeday goolal, ayaa yiri:
“Waan ognahay inaan guuldarraysanay, waa inaan taas la noolaano, balse waa inaan horumar sameynaa oo aan isku daynaa inaan sida ugu fiican u ciyaarno si aan u helno dhibco badan intii suurtagal ah.”
“Waxaan dadaal badan gelin doonnaa kulan walba, anagoo rajeynayna inaan badino dhammaan kulamada. Haddii aanan booska afaraad gaarin, aniga iyo dhammaan kooxda aad baanu u niyad jabi doonnaa.”
Mar uu ka hadlayay guuldarradii ay kala kulmeen Arsenal, wuxuu intaas ku daray:
“Waan niyad jabsan-nahay maxaa yeelay waxaan dareemaynay inaan u qalannay wax ka badan natiijadaas.”
“Waa wax laga xumaado, gaar ahaan wiilasha (ciyaartoyda), sababtoo ah si fiican ayay u ciyaareen. Waxaan la imaanay qorshihii ciyaarta, waana wixii aan raacnay.”
Sanchez ayaa xilli ciyaareedkan sameeyay shan qalad oo toos u horseeday goolal Premier League-ga.