weraryahanka xulka Masar, Mohamed Salah, ayaa haatan ah gooldhaliyaha ugu sarreeya isreeb-reebka Koobka Adduunka 2026 ee Afrika, kahor kulamada maalinta 6-aad ee Axadda, Isniinta iyo Talaadada.
Salah wuxuu dhaliyay 6 gool, iyadoo xulkiisa Masar uu hoggaaminayo Group A isagoo leh 13 dhibcood kaddib shan kulan.
Xulka Faraaciyiinta (Masar) waxay 5 dhibcood ka horreeyaan Burkina Faso oo kaalinta labaad ku jirta iyo Sierra Leone oo kaalinta saddexaad fadhisa.
Salah wuxuu hal gool ka horreeyaa saaxiibkiisa xulka Masar, Mahmoud Trezeguet, oo leh 5 gool.
Xiddiga Liverpool wuxuu shabaqa soo taabtay kulankii Masar ay 2-0 kaga adkaatay xulka Itoobiya Jimcihii.
Weeraryahanka xulka Ghana, Jordan Ayew, ayaa isaguna leh 5 gool, kaddib goolkii uu ka dhaliyay kulankii Ghana ay 5-0 kaga adkaatay Chad.
Xulka Black Stars (Ghana) ayaa hoggaaminaya Group I iyadoo leh 12 dhibcood, labo dhibcood ayayna ka horreeyaan Madagascar oo kaalinta labaad fadhisa
1. Mohamed Salah (Masar) – 6 gool
2. Mahmoud Trezeguet (Masar), Denis Bouanga (Gabon), Jordan Ayew (Ghana), Kamory Doumbia (Mali) – 5 gool
3. Musa Barrow (Gambia), Rayan Raveloson (Madagascar) – 4 gool
4. Steve Mounie (Benin), Bertrand Traore (Burkina Faso), Lassina Traore (Burkina Faso) – 3 gool