Mid ka mid ah xiddigaha ugu muddada dheer Arsenal ayaa ka tagi doona kooxda ka dib markii uu heshiis la gaaray kooxdiisii hore.
Sida kooxo badan oo Premier League ah, Arsenal ayaa ku dhibtoonaysa inay iibsato saxiixyo cusub bishaan sabab la xiriirta in aysan iska iibin qaar kamid ah kuwa jooga.
Gunners ayaa rajeyneysa inay si firfircoon u raadiso weeraryahan ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga Janaayo Isniinta soo aadan.
Warar badan ayaa xaqiijinaya caawa in Kieran Tierney uu ogolaaday inuu dib ugu laabto kooxda Celtic, isagoo ka tagay kooxdiisii caruurnimada markii uu ugu biiray 27 milyan euro Arsenal sanadkii 2019.
27 jirkaan ayaa u ciyaaray in ka badan 120 kulan tartamada oo dhan Arsenal, laakiin waxa uu ka soo muuqday kaliya laba kulan oo Premier League ah tan iyo 2023 kadib markii uu boos ka waayay tababare Mikel Arteta.
Iyadoo qandaraaskiisu uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan, Tierney ayaa heshiis kula gaaray inuu dib ugu laabto Celtic kooxdiisii hore xagaaga, inkastoo wadahadaladu ay weli socdaan si ay isugu dayaan inay Arsenal ku qanciyaan inay u ogolaadaan xiddiga heerka caalami ee dalka Scotland inuu baxo bishaan.
Tierney waxa uu ahaa ciyaaryahan muhiim u ah Arsenal xilli ciyaareedkiisii ugu horeyay ee kooxda, isagoo inta badan ahaa kabtanka kooxda, waxaana uu noqday mid ay jecel yihiin taageerayaasha Gunners.